From Wikipedia, the free encyclopedia
Hijrada Xabasha ama U haajirida saxaabada ee Xabasha waa dhacdo Taariikhi ah waana markii Saxaabadii hore u hijroodeen dhulka Xabshida (Maanta Itoobiya Iratariya iyo Soomaaliya ) ayagoo ka cararaya tacadiyada ay kala kulmaayeen Qureysh[1], Boqorkii Xabashida Najaashi ayaa soo dhaweeyay muslimiinta, waxey ahayd Hijrada sanadkii 5aad ee bicsada, Saxaabo tiro yar oo kow iyo toban Rag iyo afar Dumar ayaa markii hore baxeyn laakin way soo laabteen ka dib markii ay maqleen reer Makka inay islaameyn, warkaas oo sax noqonin, Mar labaad waxaa u soo haajiray Xabasha 83 Rag oo la socdaan xaasaskood iyo caruurtood, waxaana madax u ahaa Jacfar bin Abii daalib [2].
Markii Islaamka soo shaac baxay waxey wajaheen muslimiintii ugu horeeyay ee diinta qaatay gaar ahaan danyarta dhibaatooyin badan oo kaga imaada xaga Qureysh heer saxaabo badan u dhintaan, Nabiga scw markuu arkay wuxuu kula taliyay saxaabadliis Xabasha inay u haajiraan, wuxuuna dhahay:《Hadaa dhulka Xabasha aadi lahaydeen waxaa jooga boqor aa agtiisa cidna lagu gardareyseen, waana dhul runta ka jirto intuu ilaahay faraj niiga furaayo waxaa ku sugan tihiin》[3]. Markii ugu horeysay waxaa haajiray 11 Rag iyo afar Dumar oo madax u ahaa Cusmaan bin Madcuun [3], waxey gaareen xeebta Bada Cas halkaas oo dooni ka raaceen, Qureysh ayaa soo daba gashay balse waxey heleen inay mar hore baxeen [4], Arintaan ayaa ahayd bisha Rajab sanadii shanaad ee Bicsada [3].
Kooxdan baxday wax badan sii ma joogin Xabasha waxaa soo gaaray warar sheegaya Qureysh inay islaamtay waxey go'aansadeyn Makka inay ku laabtaan bisha Soonfur ee isla sanadkii 5aad ee Bicsada [5], markii ay Makka kusoo dhawaadeyn waxey ka war heleen wararkii soo gaaray inuu sax ahayn waxeyna noqdeen qaar isaga laabta Xabasha iyo qaar ku gala Makka dhuumaaleysi ama magan uu qof ka heylay [6].
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.