![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/8/81/Illustration_Hordeum_vulgare1.jpg/640px-Illustration_Hordeum_vulgare1.jpg&w=640&q=50)
Heed
From Wikipedia, the free encyclopedia
Heed (Af Ingiriis : barley; Af Carabi : arā) magaca sayniska Hordeum vulgare L., waa qayb ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee bixisa midhaha xabada firida ah. Heeda waxaa markii ugu horaysay taariikhda laga beeran jirey buuroleyda Tibet, ka dibna waxay u soo gudubtey qaarada Aasiya, Afrika iyo Yurub. Sidoo kale, heedu waxay ka mid tahay dhirta cowska u eeg waana mida loogu beerashada badan yahay caalamka. Tan iyo wakhtiyadii hore, heeda waxaa dadku u isticmaali jireen cunto ahaan, in xoolaha la quudiyo, in laga sameeyo khamriga, in laga sameeyo cabitaano khafiif ah iyo sharaabyo kala duwan.
Heed | |
---|---|
![]() | |
Sawirgacmeed heeda | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Monocots |
(darajo la'aan): | Commelinids |
Dirka: | Poales |
Bahka: | Poaceae |
Bahka hoose: | Pooideae |
Qabiilka: | Triticeae |
Duulka: | Hordeum |
Noocyada: | H. vulgare[1] |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Hordeum vulgare Carl Linnaeus |
Intaas waxaa dheer, waxaa heeda laga diyaariyaa nooc ka mid ah maraqa bilaa duxda ah, canjeerada iyo noocyo badan oo rooti ah. Midhaha heeda waxaa lagu yaqaanaa ineey yihiin kuwo caafimaad leh, socodiiya caloosha, nafaqo iyo awood siiya xubnaha jidhka.
Sida ay sheegtay Hay'ada Cuntada Aduunku, sanadkii 2007da heedu waxay mida afaraad ee ugu soo saarka badneyd midhaha firileyda ah, taasi oo wadanada caalamku soo saareen ilaa 136 milyan ton heed ah, isla markaana laga beeray deegaan dhan 566,000 kilomitir labo jibaaran (219,000 mayl labo jibaaran).[2]