Awdal waa gobol ku yaalo Galbeed ka dalka Somalia[1][2]. Awdal waxay ka go'day gobolka Woqooyi Galbeed ayna noqotay gobol 1984. [3] . Dhinaca bariga waxay xuduud la leedahay Maroodi Jeex iyo saaxil Dhinaca GalbeedKa waxay xuduud la leedahay Jabuuti , koonfurta waxay xuduud la leedahay Itoobiya iyo Dhinaca woqooyiga neh Gacanka Cadmeed[4]. Gobolka waxaa ku nool dad lagu qiyaasey 673,263 oo qof[5]. Gobolku wuxuu ka kooban yahay lix degmo Boorama oo ah xarunta gobolka, Gebiley Wajaale Baki ,Lughaya , iyo Saylac.

Quick Facts Awdal أودل, Dalka ...
Awdal

أودل
Thumb
Muuqaalka Borama
Motto(s): 
Hooyga Nabada iyo Horumarka
Thumb
Awdal
Awdal
Dalka Somaliland
CaasimadaBoorama
Area
21,374 km2 (8,253 sq mi)
Tirada dadka
(2007)
  Dhammaan1,010,566
  Cufnaanta dadka19.52/km2 (50.6/sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Close
Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Awdal. Boqortooyadii hore ee deegaanka Awdal fiiri Adal.

Hordhac

Gobolkan waa gobol taariikh dheer leh oo xadaarad suldaanimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer soo lahaa mudo aad u dheer. Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal. Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka. Gobolkan waa gobolada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho, diineed iyo isgaadhsiineedba.

Degmooyinka Gobolka

Gobolkani waxa uu ka koobanyahay shan degmo oo kala ah

Bulshada

Gobolka Awdal waxaa si khaas ah u dega beelaha Gadabuursi, sidoo kale loo yaqaano Samaroon kuwaasi oo ka tirsan beelweynta Dir. Gobolkan wuxuu qiimo gaar ah u leeyahay taariikhda dowlada Somaliland taasi oo lagu asaasay magaalada Boorama, xagaas oo dhamaan xubnaha taliska lagu soo dhisay aynay daganayeen magaala madaxdiisa Boorame mudo shan bilood ah xagaasna lagu soo magacaabay madaxwaynihii u horeeyay ee la doorto Alaha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji. Ibraahim Cigaal. Gobolka awdal waa gobol dhaqaalihiisu aad ugu tiirsanyahay xoolaha nool, Beeraha, dalxiiska iyo macdanta. Gobolkan waxa ka soo jeeda madaxwaynaha hayn jiray mudii 2003 ilaa 2010 xilka waqooyiga somalia ee Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeday gobolkaas awdal waana samaroon.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu ahaan jirtey magaalda Baki, laakiin markii dambe waxaa lagu bedelay magaalada ugu weyn ee Boorama. Sidoo kale, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool. Magaalo madaxdiisii hore waxa ay ahaan jirtay oo ay ugaas yaashii ka telin jiray magaalada qadiimiga ee saylac oo aan ku koobnayn oo kaliya gobolka awdal ay u ahayd indhaha soomaaliyeed gaar ahaan ugaasyada Samaroon oo dhamaantood saylac lagucalemasaaray.

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.