![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/b/be/PersianGulf_vue_satellite_du_golfe_persique.jpg/640px-PersianGulf_vue_satellite_du_golfe_persique.jpg&w=640&q=50)
Gacanka Faarsiga
From Wikipedia, the free encyclopedia
Gacanka Faarsiga ama Gacanka carbeed Af-Carabi الخليج الفارسي) waxaa la dhahaa biyaha u dhaxeeyo dalka Iiraan iyo Jasiirad Dhuleedka Carabta. Baaxada gacanka faarsiga waa 233.000 km². Gacankaan waxoo ku darsamaa Bada Carbeed. Balaciisu waa 370 km. halka ugu balaca yar oo ah goobta looyaqaano Marinka hurmus, waxa uu baleceedu gaadhaa 55 km. marka la eego moolka biyaha dhirirkiisa waxaa uu gaaraa 90m. Gacankani waxa uu kala qaybiyaa jasiirad dhuleedka carabta iyo wadanka Iiraan.waxaa ku wareegan gacankan sideed dawladood oo kal ah. Iiraan, Sacuudi Carabiya, Kuwayt, Ciraaq, Baxrayn, Qatar, Cumaan iyo Imaaraatka Carabta. Gacankani waxa uu leeyahay ahmiyad aad u wayn, waayo waa meel istiraatiiji ah, oo ku badan shiidaalka iyo saliida, waa meesha ugu shidaalka iyo saliida badan caalamka. Dhamaan wadamada kuyaala ama ku wareegan gacankani waxaa ay soosaaraan shiidaalka iyo saliida noocyadiisa kala duwan.
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/b/be/PersianGulf_vue_satellite_du_golfe_persique.jpg/640px-PersianGulf_vue_satellite_du_golfe_persique.jpg)
Qaar ka mid ah biyaha badda ugu kulul ayaa laga helaa Gacanka Faaris. Heerkulka biyaha ee dusha sare ayaa mararka qaarkood ka sarreeya 90 darajo Fahrenheit (qiyaastii 32 darajo Celsius) bilaha xagaaga. Badweynta furan, aagagga heerkulka biyaha ugu sarreeya waxay ka dhacaan waqooyiga dhulbaraha.