Dhaqaallaha Soomaaliya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dhaqaalaha Soomaaliya (Af-Ingiriis: Economy of Somalia) waa dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wadanka Soomaaliya la leedahay dunida inteeda kale. Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa ka mid ah ganacsiga Soomaaliya la leedahay dunida; sida dhoofinta iyo iibsiga alaabaha, badeecada, xoolaha iyo dhamaan wax soo saarka wadanka.
Dhqaalaha Soomaaliya | |
---|---|
Lacagta | Shilin Soomaali (SOS) |
Xiriir ganacsi ururrada | AU, CEN-SAD, IGAD |
Tirakoob | |
GDP | $19.191 Bilyan Dollars (2019) |
GDP Kobaca | 2.7% (2019) |
GDP Qofkiiba | $1,449 (2019) |
GDP Hadba qaybta | Beeraha (60.2%), Warshadaha (7.4%), shaqooyinka kale (32.5%) (2009) |
Muruq maal | 4.0 milyan Kof |
Muruq maal Xirfadle | Beeraha (71%), Warshadaha iyo Shaqooyinka kale 29% (1975) |
Warshadaha muhiimka ah | Sonkor, Dharka, xoolaha, xawilaad, isgaarsiinta |
Dibadda uga baxa/ Soona Gala | |
Dhoofin | $1.5 Billion dollars |
Dhoofinta badeecad | Xoolaha, Moos, Maqaar, Kaluun, Dhuxul, Biraha duugga |
Shirkadaha wax dhoofiya ee waa wayn | UAE 50.7%, Oman 19%, Yemen 12.8% (2012) |
Soo dhoofin | $2.277 bilyan (2019) |
Badeecadaha la soo dhoofiyo | Farsamo wax soo-saar, Shidaal wax soo saar, Cunto, Qalabka dhismaha |
Shirkada ugu waa-way ee badeecadaha soo dhoofiya | Djibouti 27.8%, Bangladesh 13.7%, Bakistaan 6.6%, Oman 5%, Yemen 4.5% (2013) |
Deynka qaranka | $4.142 bilyan (2019) |
Dhaqaalaha Guud | |
Halka laga soo xigtay Sitka: Laanta sirdoonka mareykanka ee arrimaha dibadda Dhamaan hababka, hadii aan wax badel ah ka imaan, ee Doolar |
Sida Qaramada Midoobay sheegtay wadanka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay "wadanada ugu liita dhaqaalaha caalamka". Inkastoo 20neeyo sano oo dagaal sokeeye ahi curyaamisay dhaqaalaha iyo koboca wadanka, hadana dadka Soomaalida waxay sameeyeen dhaqaale dadban, kaasi oo ku salaysan xoolaha nool, xawaaladah iyo isgaarsiinta.[1]
Sida ay sheegtay Bankiga Aduunka, dhaqaalaha Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay ilaa $14.1 bilyan sanadkii 2001da.[2] Sidoo kale sanadkii 2009, Hay'ada Sirdoonka Maraykanka (CIA) waxay xustay in iskuceceliska iyo soo saarka guud ee wadanku gaadhay ilaa $15.731 billion, taasi oo ku socota xawaare koritaan ah 2.6%.[3]