From Wikipedia, the free encyclopedia
Bulshada Aduunka (Af Ingiriis : world population; Af Carabi : ar) waa wadarta tirada guud ee dhamaan dadka ku nool caalamka hada. Bishii Ogosto 2016ka bulshada caalamka waxaa lagu qiyaasay 7.4 bilyan.[1] Sidoo kale, warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in tirada dadku noqon doonto 11.2 bilyan sanadka 2100.[2]
Guud ahaan bulshada caalamku way sii koraysay wixii ka dambeeyay Abaartii 1315–17 iyo Xasuuqii Madoobaa ee 1350,wakhtiyadaasi oo dadku ahaayeen 370 million.[3] Wakhtiyadaasi wixii ka dambeeyay tirada dadku waay ku koraysay xawaare ah 1.8% sanad kasta – taasi oo gaadhay meeshii ugu sareeysay sanadihii 1955-1975 oo xawaaraha koritaanku gaadhay 2.06%.[4]
Dhinaca kale, sida lagu ogaaday cilmibaadhis sanadkii 2016ka isku-celceliska da'da bulshada caalamku waa 30.1 sano, taasi oo labka lagu qiyaasay 29.4 sano, halka dumarka lagu qiyaasay iskucelcelis dhan 30.9 sano.[5]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.