From Wikipedia, the free encyclopedia
Kooxda Bankiga Aduunka (Af Ingiriis : World Bank Group; Af Carabi : ar) loo soo gaabiyo (WBG) waa koox ka samaysan shan urur oo caalami ah kuwaasi oo amaahiya kharash wadanada soo koraya. Waa bankiga ugu weyn uguna caansan ee horumarinta koboca dhaqaalaha, waxaana gacanta ku heeysa Waaxda Horumarka Qaramada Midoobay.[2]
Samaysmay | Diisembar 27, 1945 |
---|---|
Nooca | International organization |
Sharciga | Heshiis |
Ujeedo | Horumarinta dhaqaalaha, baabi'inta faqrinimada |
Xubnoha | 188 states (187 wadanada Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyada Kosovo) |
Madaxweyne | Jim Yong Kim |
Xubnaha ugu muhiimsan | Gole Agaasime[1] |
Website | worldbank.org |
Bankiga Aduunka waxaa xarun u ah caasimada Washington D.C wadanka Maraykanka wuxuuna sanadkii 2012ka bankigani maamulay lacag dhan $30 bilyan oo uu ku bixiyo amaah iyo caawinta wadanada soo koraya iyo kuwa ku jira xaalad kala guur ah.[3] Sida ku xusan sharciga qoran ee bankiga ujeedadiisu waa inuu dabargooyo faqriga, baahida iyo busaarada isla markaana dhiso barwaaqo la wadaagi karo dhammaan bulshooyinka caalamka. Shanta qeybood ee Bankiga Aduunku ka kooban yahay waa "Bankiga Caalamiga ee Dib u dhiska iyo Horumarka" (International Bank for Reconstruction and Development) (IBRD), "Midowga Horumarka Caalamiga" (International Development Association) (IDA), "Shirkada Maalgelinta Caalamiga" (International Finance Corporation) (IFC), "Wakaalada Maalgashiga La Hubo" (Multilateral Investment Guarantee Agency) (MIGA) iyo "Xarunta Caalamiga Dhexdhexaadinta Isqabsiga Maalgelinta" (International Centre for Settlement of Investment Disputes) (ICSID).
Kooxda Bankiga Aduunka waxaa si rasmi ah loo dhisay Diisamber 27, 1945 waxyar uun ka dib markii la aasaasay Qaramada Midoobay. Bankigu wuxuu 1951kii abuuray Golaha Osiander (Osiander Comittee) oo masuul looga dhigay ineey qiimeyn ku sameeyaan dhaqaalaha wadanada caalamka isla markaana u soo wariyaan golaha sare ee Bankiga Aduunka.
Bankiga Aduunku wuxuu si caadi ah u shaqo bilaabay Juun 25C 1946, wuxuuna amaahdii ugu horeeysay bixiyay May 9, 1947 (taasi oo US$250 milyan amaahiyay wadanka Faransiiska si uu dib u dhis ugu sameeyo buburkii iyo dhaawicii wadankaas ka soo gaadhay Dagaalkii Labaad ee Aduunka). Si kale hadaan u dhigno lacagtaasi la amaahiyey Faransiisku waa mida ugu faraha badneyd ilaa maanta ee Bankiga Aduunku amaahiyo wadan.
Dhamaan 193 wadan ee xubinta ka ah Qaramada Midoobay iyo wadanka Kosofo waxay ugu yaraan ka qeybqaataan shaqada iyo xarkaatka Ururka Horumarka iyo Dib udhiska Caalamiga (IBRD). Sidoo kale waxaa in badan ka qeyb qaataan dhaqdhaqaaqa afartan urur ee kale: IDA, IFC, MIGA, ICSID.
Hadaba xubnaha Bankiga Aduunka waxaan u fiirin karnaa sidan:
Wadanada aan xubinta ka ahayn Bankiga Aduunku waa: Andorra, Kuuba, Liechtenstein, Monako, Nauru, Waqooyiga Korea.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.