Baasto
Nooc ka mid ah cunnada oo laga sameeyo cajinka loona qaabeyo habab kala duwan / From Wikipedia, the free encyclopedia
Baasto (Af Ingiriis : pasta; Af Carabi : arā) waa cunto[1][2][3] bisil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[4] Baastadu waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay ukun iyo biyo. Sidoo kale, baastadu waa mid dhaadheer, dhuuban, aad u jilicsan marka la kariyo.
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "pasta" halkan ayaan laga toosiyay
Baastada, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.