![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/a/a6/Flag_of_Adal_Sultanate.svg/langso-640px-Flag_of_Adal_Sultanate.svg.png&w=640&q=50)
Saldanadii Cadal
From Wikipedia, the free encyclopedia
Saldanada Awdal (Carabi: عدل; Wadaad: سَلْدَنَدي عَدَلْ; Af Ingiriis : Adal; micno ahaan "Cadaalad") (sidoo kale loo yaqaanay Boqortooyada Adal) waxay aheyd boqortooyo xukumi jirtay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Awdal ee Somaliland, meelo ka mid ah dhulka Itoobiya iyo Jabuuti ilaa Eratareya. Boqortooyada Cadal waxey ka mid ahayd boqortooyada ugu taariikhda dheeraa uguna awooda weynaa gayiga iyo deegaanada ay dagaan dadka Somaliland iyo agagaarkooda. In kastoo boqortooyadu ka bilaabantey magaalada taariikhiga ah ee xuddunta u ahayd ee Saylac waxay saldhigyo waaweyn ku lahayd magaalada Harare iyo nawaaxigeeda. Magaalada Saylac ayay ka bilaabantey boqortooyadu ka dib ku fidey deegaanka geeska Afrika. Sanadihii 1415 ilaa 1577 ayay boqortooyada Cadal ugu awood badneyd goortaas ooy maamuleysay in ka badan shan kun oo kilomitir isku wareeg ah.
Suldaanada Awdal | |||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|
900–1559 | |||||||
wadajirka sadex astaan calan uu isticmaaley Ahmad al-Ghazi[1]
Coat of arms
| |||||||
Deegaanada ay ka talineysay wakhtigii Saldanada Adal ugu awooda badneyd qiyaastii 1500. | |||||||
Xarunta |
Saylac (caasimada ugu horeeysay, iyo saldhiga ugu weynaa)[2] Dakkar (caasimad cusub ee Saldanada) Harar (magaalo-madaxdii ugu dambeysay) | ||||||
Luuqada | Somali, Carabi, Ge'ez, Canfar, Harari | ||||||
Diinta | Diinta | ||||||
Dowladda | Saldanad ama boqortooyo | ||||||
Sulṭān, Imam, Emir | Hogaamiye | ||||||
Dhacdooyinka Taariikhiga | Waayihii hore | ||||||
• Aasaasay | 900 | ||||||
• Dagaalkii Yeshaq I | 900–1429 | ||||||
• Caasimada ka dhigtey Dakkar | 1433 | ||||||
• Muran ka dhashay xilqabasho | 1518–1526 | ||||||
• Caasimad ku wareegay Harar | 1520 | ||||||
• Dagaalkii Cadal iyo Itoobiya | 1529–1543 | ||||||
• Burburtey | 1559 | ||||||
| |||||||
Maanta qeyb ka ah |
Somaliland![]() ![]() |
Boqortooyada Cadal sidoo kale loo yaqaano Adal waxa lagu xasuustaa dagaalo waaweyn oo ay inta badan la galeen Itoobiya.