Samaale

From Wikipedia, the free encyclopedia

Samaale (Af Ingiriis : Samale; Af Carabi : ar) sidoo kale loo qoro: Samaal, Samaali, waa beelo dhowr ah oo ka tirsan dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya, Kiinya iyo Itoobiya.[1] Samaale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay meesha uu ka yimid magaca Soomaali.

Quick Facts Meelaha ay ku badan yihiin, Luqada ...
Samaale
Meelaha ay ku badan yihiin
#REDIRECT Template:Country data Soomaalia
 Itoobiya
 Kenya
Luqada

Af-Soomaali iyo Af-Carabi

Diinta

Sunni Islam, Suufi

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir, Irir iyo hawiye

Close

Hordhac

Samaale, waa aabaha faraca koox beelo waaweyn oo ka tirsan Soomaalida. Beelahaasi waxaa ka mid ah Dirta, Hawiyeha, Gardheere, Meyle, Maqarre, Ajuuraanka, Yahabur, Hubeer, Gariife, Hammarre, Harire, iyo Karuur; kuwaasi oo dhamaantood laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[2] Intaas waxaa dheer, beelaha Samaale waxay si rasmi ah u degaan Soomaaliya, Itoobiya . Sidoo kale waxaa tiro fiican degan tahay gobolka NFD ee wadanka Kiinya.

Beelaha

Sida lagu sheegay buugaag taariikhi ah, Bahweynta Samaale waa labo meelood dadka Soomaalida, waxayna salka ku hayaan sagaal oday oo uu dhalay Samaale, kuwaasi oo kala ah:

  • Garre Samaale: Tuuf iyo Quraan
  • Irir Samaale: Dir iyo Hawiye.[3]
  • Gardheere Samaale : Gaaljecel, Degodi [4]
  • Mayle Samaale
  • Maqarre Samaale: Dabarre and Cirrole[5]
  • Yahabur Samaale
  • Xammarre Samaale(Xarmalle):Ajuuraan
  • Hariire Samaale
  • Gurre Samaale

Dir

Dir, magaca saxda ah: Abukar waa beelweyn ka tirsan qabiilada Soomaalida taasi oo juquraafi ahaan degta afar wadan oo ku yaala Geeska Afrika. Beesha Dir waxaa laga helaa dhamaan deegaanada Shanta Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah: Djibouti(ahaan jirtey: French Somaliland(1)), Soomaaliya(ahaan jirtey: British Somaliland(2) iyo Italian Somaliland(3)), wadanka Kenya, Gobolka Waqooyi Bari(4) iyo dalka Itoobiya, deegaanka Soomaali Galbeed, iyo sidoo kale Deegaanada Oromia iyo deegaanka Canfarta(5).[6][7][8][9]

Hawiye

Hawiye (Af Carabi : ar) waa beel ka mida qabiilada Soomaalida, kuwaasi oo ku dhaqan deegaano ka tirsan wadanka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiinya. Sida lagu xusay taariikhda, beesha Hawiye waxay walaalo yihiin Beesha Dir iyagoo ku wada abtirsada odayga Irir Samaale. Hawiye ayaa kow[10][11] ama laba[12][13] kaga jira badnaanta tirada qabiilooyinka soomaalida, waxay degaan caasimada Muqdisho[14].

Gardheere

Gardheere Samaale (waa curadka Samaale). Waxaa ka farcamay oo uu dhalay Garjante Gardheere, Riyale Garjante, Mataan Riyaale, oo isna dhalay Saransoor Mataan. Ilma Saransoor waa afar oo kala ah: Gaaljecel Saransoor, Dagoodiye Saransoor, Ciise Saransoor iyo Masarre Saransoor.[15]

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.