Qoondar
From Wikipedia, the free encyclopedia
Qoondar Magaca sayniska (Linum usitatissimum) (Af Ingiriis : Flax,Af Carabi : ar) Waa nooc ka mida dhirta gu'leha ah,kana mid ah dhirta saliida laga miiro asalkiisa laga helay inta u dhaxaysa Bariga Xeebaha Bada Cad ilaa Hindiya, oo ah Dhulka kulul waxaa laga isticmaalaa miraha iyo saliida laga miiro mirihiisa,[2][3]
Qoondar Linum usitatissimum | |
---|---|
![]() | |
Flax plant | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
Duulka: | Linum |
Noocyada: | L. usitatissimum |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Linum usitatissimum L. | |
Eray la mid ah[1] | |
|
Tilmaan


Geedka Qoondarka loo yaqaan ayaa dhirirkiisu gaaraa hal mitir iyo jirid dhuuban iyo caleemo, wuxuu caan ku ayahay ubax cirdhow ah, miraha midabkooda ayaa ah bunni, waxaa lagu beera wadama u dhxeeya bada cad iyo hindiya


Noocyada Qoondarka
Qoondarka wuxuu u kala baxaa laba nooc mid jaallo ah iyo mid guduud dahabi ah, labaduba waa isku faa'ido, waxaad soo gadan kartaa miraha oo noolnool ama iyagoo shiidan, waxaana fiican in la shiido si jirka uga faa'idaysto, waxaadna ku darsan kartaa cunnooyinka kale ee aad cunaysid sida mushaarida, maraqa, caanaha fadhiyo iyo suugada. Waxaad kaloo ku dari kartaa burka inta aadan dubin. Marka qoondarka, isagoo la saloolin ama la karin waa la cuni karaa, laakiin sida ugu habboon waa in la shiido isagoo aan la saloolin, kadibne lagu darsado cunnada aad karin rabtid ama cuni rabtid.
Faaiidooyinka qoodarka
Qoondarka waxaa ku jiro waxyaabo faa'ida u leh caafimaadka qofka sida dufanka caafimaadka u roon ee loo yaqaano "Omega-3", saliiddaan oo wadnaha u roon, waxaana la qiyaasaa halkii qaaddo oo qoondar ah inay ku jirto 1.8 gram oo "Omega 3" ah. Maadada kale ee faa'idada leh waxaa loo yaqaanaa "Lignans" oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha "anti-oxidant", waa dalaga ugu badan ee ku jirto maadadaan markii loo fiiriyo dalagyada kale.
Cilmi Baaris
Geedkaan waxaa badanaa dunida loo abuurtaa si saliid looga sameeyo, laakiin cunno ahaane waa loo gadaa iyadoo laga sameeyay waxyaabo kala duwan.
Cilmibaaris dhowr ah ayaa lagu sameeyay, waxayna sheegeen inuu alle ku abuuray awood ka hortag kansarka naasaha, qanjirka borostaatada iyo kansarka xiidmaha.
Sidaas awgeed, waxaa haweenka lagula dardaarmaa inay badsadaan cunista qoondarka si halista kansarka naasaha u yaraato khaassatan haddii ay dhaxal u leeyihiin.
Cilmibaarayaal kale ayaa sheegay inuu caafimaad u leeyahay wadnaha, una fiican yahay dadka qaba macaanka, isagoo yareeyo halista in sonkorta ay dhaawac gaaarsiiso xubnaha jirka.
Sidaas ay tahay, waxaa lagula dardaarmaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya inaysan cunin qoondarka illaa warbixin dheeraad ah laga helayo. waxaana weli ku socdo cilmibaarisyo dhowr ah.[4]
Tobanka wadan ee ugu soo saarka badan – 2011[5] | ||||
---|---|---|---|---|
Wadanka | Wax soo saarka
(metric tons) |
Footnote | ||
![]() |
368,300 | |||
![]() |
350,000 | * | ||
![]() |
230,000 | * | ||
![]() |
147,000 | |||
![]() |
71,000 | |||
![]() |
70,890 | |||
![]() |
65,420 | |||
![]() |
64,000 | * | ||
![]() |
51,100 | |||
![]() |
32,170 | |||
World | 1,602,047 | A | ||
No symbol = Official data, * = Unofficial figure, A = Aggregate (may include official, semi-official or estimated data) |
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.