Naafto
From Wikipedia, the free encyclopedia
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Shidaalka dabiiciga ah.
Naafto (ingiriis: Diesel) waa waa shidaal dareere ah oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah, markey qaydhiintahay leh midab huruud ilaa madoow ah, kana samaysan isku dhisyo haydarokaarboon ah, oo laga helo oogada dhulka hoosteeda.
Naaftadu wuxuu ka mid yahay saliida dabiiciga ee dhulka, waxuuna soo baxa marka la sifeeyo shidaalka.
Naaftada oo ka mid ah Shidaalka ayaa wuxuu ka samaysmay markii tiro badan oo noole dhintay ah - u badan dhir iyo algea - ku aasmeen dhagaxa sedimentary hoostiisa, halkaas oo cadaadis iyo kul badan ku helay malaayiin sano ka hor.
Marka la derso deegaanka iyo qaabdhismeedkiisa jiyooloji, ayaa shidaalka la qodaa, ka dib saliida qaydhiin la warshadeeyaa ayadoo kul badan la isticmaalayo. Waxaana soo baxa shidaalka gasoline (petrol), kerosene, Naafto, Gaaska faysnuska lagu shido, gaamur ilaa laga gaadho asphalt iyo kimikooyink kale oo laga sameeyo bacaha iyo sheyo kale.
Guud ahaan, naaftada waxaa loo isticmaalaa in la quudiyo aaladaha makaaniga ee shidaalka ku shaqeeya, sida warshadaha, gaadiidk, tareenada iwm.
Marka la soo saaro saliida shidaalka qaydhiin waxa la geeyaa warshadadaha lagu sifeeyo shidaalka kuwaas oo ku sii daaya kul heerkulkiisu sii kacayo marba marka ka dambeeysa. Nidaamkan oo loo yaqaano Habka Sifeynta Shidaalka (distillation fractions of petroleum) ayaa waxa ku soo baxa noocyo badan oo kala duwan oo shidaal ah. Sida, shidaalka dareere-neefta ah (liquefied petroleum gas) (LPG), Butane, Butane, shidaalka diyaaradah xawaaraha dheer (Jet fuel), Kerosene, saliida shidaalka (fuel oil), iyo Naafto. Intaasi kuma koobna ee waxyaalo kale ayaa ka soo baxa sifaynta shidaalka, sida Gaaska aan faynuuska u isticmaalno, Gaamurka iyo sheeyo kale.
Sifeeynta iyo Jajabinta Shidaalka | |||
Noocyada Soo Baxa | Barta Kululeynta oC | ||
---|---|---|---|
Shidaalka Dareere-Neefta (PLG) | −40 | ||
Butane | −12 ilaa −1 | ||
Betrool | −1 ilaa −110 | ||
Shidalka Diyaaradaha | 150 ilaa 205 | ||
Kerosene | 205 ilaa 260 | ||
Saliida Shidaalka | 205 ilaa 290 | ||
Naafto | 260 ilaa 315 |
Wikiwand in your browser!
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.