Moobleen
From Wikipedia, the free encyclopedia
Moobleen Cismaan(Xaaji Cumar) Waa beyl katirsan Beyl weynta Mudulood Hiraab, Moobleen cismaan waxaa uu dhalay Laba wiil oo kale ah, '''[[Magacle Moobleen Cismaan]]'''<ref>Iyo Abidig Moobleen, Magacle Moobleen waxa uu dhalay seddex wiil oo kale ah, Yabar,Cool,Xayaale Magacle, Halka asna Abidig Moobleen uu dhalay seddex wiil oo kale ah, Tolweyne,Yabadhaale,Maqalsame Abidig.
Moobleen Cismaan(Reer Xaaji Cumar) waa Beyl Aad u facweyn waqti horena soo jirtay ayada oo dagaalo farabadan ku gashay Dhulka ay degto markaas waxase Xusid mudan in Taariikhda beesha mooblen laga tirtiray Xasuusta soomaalida maanta balse ay qarniyo ka hor difaac ay ugu jirtay ilaalinta sharafka iyo dhulka soomaliyeed Si kastoo ay tahay beesha waxaa lagu xasuustaa dagaalkii xabashida ay lagashay 1905 CD Kadib markii ay xabashida soo weerartay magaalooyinka ay dagto beesha iyo meelo u dhow dhow Dagaalkas Beesha Waxey Ubixisay isniintii Xabashida waxaana kaga geeriyooday ku dhowaad 75,000 oo wiil, Beesha waxa ay dagaalkas ka soo hoyday guul weyn ayada oo jibisay awoodii Xabashida Halkasna waxay kasoo qab qabsatay Adoomo fara badan, Beesha waxa la sheegaa in Dagaaladi ay gashay ay ahaayeen mid anan ku jirin dulmi iyo daadaansi oo ay u badnaayeen isdifaacid iyo difaac walaal welina beesha dagaal ay gashay oo ay ku jabtay lama diwan gelin.
Beesha Moobleen Cismaan waa beyl jecel soona dhaweeysa qabiilada soomaalida aan heysan deegaan ay degaan sidas darteed beesha Mooblen Waxaa jira dad badan oo ay deegaano siisay oo ay soo dhaweysay, waxaa jira dad badan oo sheegta in ay yihiin Moobleen cismaan balse an aheyn se magaca moobleen iska sheegta.
Beesha Moobleen Cismaan waxa ay kaalin mug leh ka geysatay kadib gumeystihii dalka dowlad dhiskii soomaliyeed ayada oo Iska saartay xil nabadeenta iyo wada noolaanshiyaha beelaha hawiye ee degta Koonfurta soomaaliya, Beesha waxay ay laheed xildhibaano siyaasiyiin iyo saraakiil sar sare iyo kuwa dhexe dowladihii ka hor bur burka dalka.
Kadib bur burkii dowladii dhexe ee kacaanka beesha waxa ay gashay xaalad kala guur iyo jahwareer ah waxa ayna beesha Moobleen Cismaan ka dhuntay saaxadii siyaasada balse kadib dowlad dhiskii bur burka kadib waxa ay hadana dib u hanatay saaxadeeda siyaasada ayada oo markan laga dhigay in ay tahay beyl aan dhiig uga daadan dagaaladii Mudulood iyo Inta Madaxa Madow, Dagaalkas waxaa isku hayey Mudulood Hiraab iyo Soomaali weyn balse beesha looma tix gelin caqabadihi waqtigas heystay ee maamul xumada iyo hogaan la'anta, Mudulood waxaa difaacay dhiigana u shubay Abgaal Cismaan iyo Ciise Mudulood/Udeejeen oo markaas lahaa hogaano adag oo isku toosan ayaga ayaana qaatay qeybta u badan Mudulood ku leeyahay siyaasada.
Waqtigan Lajoogo beesha Moobleen Cismaan Waxa ay ku jirtaa xaalad dib u dhis xoogan dhanka siyaasada iyo Ciidanka ah, Inkastoo uu iska jiro khilaaf iyo Isriix riix siyaasadeed beesha dhexdeeda ah.
Beesha Oo ah beelaha ugu qadiimsan uguna faca weyn soomaaliya waxaa jira dad ku sheega in ay tahay beeyl ku dulman dowlada Federalka laakiin Beesha Moobleen waxa ay ka mid tahay beesha ugu weyn soomaali, Beel weynta Mudulood Hiraab Lehna xildhibaanada ugu badan,siyaasiga ugu badan Taliyeyaasha ugu badan Iyo weliba Magaalooyinka ugu badan degta, sidee beyl noocas ah ay ugu dulmanaan kartaa Dowlad ay marki horeba Ayada kaso bilaabatay Taasi waa magac dil iyo Sharaf ka qaad ey ku samaynayaan Beesha Moobleen/Reer Cumar Cismaan hadii ayna maanta talin waxa taliya walaaladeed Taladuna waa qori isku dhiib ninba maalinkiisa ayuu Talinaayaa.
Markii la simayo Beelaha soomaaliyeed Beesha Mudulood Hiraab ayaa ah beesha lala simi karo beelaha kale balse ma ahan Moobleen, Abgaal, Ilaaway, Wacdaan midna dhamaan waxay ka tirsan yihiin Mudulood waana beyl hoosaad ka baxda Mudulood oo waxaa sii dhalay Dalandoole wiilkiisa Cismaan.
Mudulood waa mid cidna kalama qaadi karto.
Dhalinta beesha Moobleen/Reer Xaaji Cumar waa in ay ogaadaan in uu waajib kasaaran yahay ilaalinta magacooda iyo illaalinta wada dhalashadooda iyo wadajirka reerka.
Moobleen Cismaan[1]. Meelaha ey Ku badan yihiin <ref> Beesha moobleen ismaan
🇰🇪kenya
🇪🇹Ethiopia
🇳🇱 Holland
🇨🇭Switzerland
🇬🇧 England
- Waxaa laga soo xigtay taariikh Qoran iyo mid Ay soo weriyeen Taariikhyahanada Beesha Mooblen
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.