beel ka mid ah Beelweynta Hawiye ee dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya From Wikipedia, the free encyclopedia
Habar Gidir (Af Ingiriis : Habargidir) ama "Madarkicis" waa beel ka mid ah Beelweynta Hawiye ee dadka Soomaalida, " kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya.[1]
Meelaha ay ku badan yihiin | |||
---|---|---|---|
| |||
Luqada | |||
Diinta | |||
Dadka ay dhalyo wadagaan | |||
Dagoodi iyo beelo kale Hawiye |
Beesha Habargidir waxay ka tirsan tahay beelweynta Hawiye, ee laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[2] Intaas waxaa dheer, beesha Habargidir waxay si rasmi ah u degaan caasimada soomaaliya ama gobolka banaadir, gobolka shabeelada hoose , gobolka shabeelada dhexe, gobolka jubada hoose ,gobolka jubada sare, gobolka sool , gobolka nugaal, gobolka togdheer,iyo Gobolada Dhexe ee wadanka Soomaaliya.
magaca habargidir waxaa weeye bah_gidir ee ma ahan naanays waayo waa laba bahood lkn hal bah oo ah bahda wayn baa magicii jiidatay oo ku caan baxday ilmaha bah gidir waa kala aabe. Waayo habar_gidir oo ah bah_gir magaceeduna yahay caasho gidir karanle hawiye waxaa guursadey mudulood waxayna udhashay ciise mudulood markay kala tageen waxaa guursaday madarkicis waxayna udhshay sifaadle, maxamed, saruur markey kala tageen waxaa guursadey ogaaden waxayna udhashey muuse gumcadle marka shantaas ayaa ah -habar_gidir ama bah-gidir lkn madama ay saleebaan iyo siciid hooyadood, casho kaarshe maxamed bahdii hore hooyadood ka xoogbadatay ayey iyana magaca la wadaagaan lkn waa kala bah waxaana shantaas , sifaadle ,cayr, saruur, saleebaan, siciid dhalay( MADARKICIS ) hiraab
ABTIRKA MADARKICIS
1, MADARKICIS
2, HIRAAB
3, MADABLE
4, ABKAAL
5, BARDAALE
6, SACMAAL
7, SARIIRE
8, BARAXOW
9, RAAGE
10, DAAME
11 , GORGAATE( muntasir)
12, HAWIYE
13, IRIR
14, SAMAALE
15 , HIIL
16, ABROONE
beeshu waa badantahay oo waa ballaarantahay waana kala bah shan ah .
BAH WADALAAN AMA BAH QUMIS..!!
BAH QUMIS waxaa looga jeeda markii lakala qeybsaday dhaxalkii aabe madarkicis ayaa siciid ku yiri saleebaan noo qumi oo ah noo kaxee xoolaha iyadoo lasheego inuu ka dhacay dhaxalkiisii kuna qasbay inuu raacssado amuu cidla uga dhaqaaqo . Ilaa lamoodo inuu abaankiisa yahay. Waatan layiraa. Saleebaan ma naqaane midiidin sacad baan naqaan .
1, bah wadalaan , ama . bah qumis
caasho
kaarshe
maxamed( wali wali )
muuse
gumadle
. dhiimaale .
Wadmahure .
Daaraanle .
Wadalaan .
Gorgaate ( muntasir)
hawiye .
Irir .
Samaale.
Hiil .
Abroone
waxay dhashay SICIID iyo SALEEBAAN
BAH GIDIR, ama BAH NOO CAYRI
waxaa layiri markey labada bahood kala saanyadeen dhaxalkii aabe madarkicis baa. CAYR ku yiri SARUUR .Noo cayri oo ah noo kaxee xoolaha . Waxaa dhacay magiicii noo cayri inuu naanays unoqdo beesha cayr
2, BAH GIDIR ama BAH NOO CAYRI
Waxaa dhashey
Caasho ( raareey) naanays weeyewaayo raarbuu lahaa aqalkeedu oo gaari xaraga badana bey ahayd
Caasho
gidir
karanle
hawiye
irir
samaale
hiil
abroone
markii hore waxaa guursadey #mudulood waxayna udhay , ciise mudulood ( udeejeen )
markey kala tageen waxaa guursadey , #madarkicis
waxay dhashay
1 , sifaadle
2 , M. Mathorkicis,( cayr )
3 , ibraahim ( saruur )
caasho ( raareey) gidir karanle waxaa guursadey mudulood hiraab waxayna udhashay
4 , ciise mudulood ( udeejeen )
sidoo kale waxay nuujisey
5 , ( duduble ) oo ilma bah gidir adeerkood ah
maadaama hooyadii ka umul raacatay
SIFAADLE wuxuu ukala baxa labo
1 , daangaale sifaadle . waxay ladeegaan iyo dhaqan soke laleeyihiin beesha saleebaan
2 , mariid sifaadle . wuxuu degaa min galbeed illaa ceelcade mariid
galbeed iyo ethopia kuwa dega qabaailkaas bey xeer soke la leeyihiin
kuwa ceelcade mariid degana waxay xeer soke la leeyihiin wacaysle iyo wacbuudhan
SIFAADLE waa curadkii iyo saldanaddii madarkicis balse deegaankaa kala sharay waayo waxay dhaxleen boqortooyadii ajuuraan 24 sano
2, Maxamed madarkicis ama cayr
Cayr waa laba beel iyo 10. jufo
1, mucle
2 , wace
cayr waa beesha ugu badan bah gidir
IBRAAHIM MADARKICIS ama SARUUR
waa laba BEEL iyo 17 jufo
1 , WACDAAN
2, NABADWAA
Waxaa layiri. Markii ay ladagaal galeen boqortooyadii ajuuraan hadana saldanadii sifaadle oo lajebiyey oo mudooyin badan dhaqdhaqaaq laga waaye.
DUMAAL AJUURAAN DAMAQEED SARUUR XILDOONAYA DUNI LAGUMA ARAG,
sidoo kale waxaa jira iney waa dambe is qabteen saruur iyo sacad sababtuna waxay tahay .
Sacad waxay galaan wadalaan ama lkn maadaama nagu hooyo noqdeen waxaa jirtey in aan laga hadli jirin wadadhalashada lkn dhanka hooyo la isu ogaa .
Lkn waxaa la arkay iyagoo oranaya habargidir baan nahay.
Hadaba dooda saruur waa sidaan. Sacadoow sida udeejeen abkii uhaysto uhaysta abkiina oo sida duduble abkii uhaysto uhaysta abkiina iyagaba waanu wada dhalanee.
Iyaguna mayeelin
waxaa dhacday in la takooro beesha sacad mudo dheer kadib ayaa waxaa xalliyey beesha sheekhaal.
waatuu sacad lahaa.
"ilaahii wadalaan iga sameeyayoow
oo sifaadle sadix ka yeelayoow
saleebaan sumuni ulihiye
saruur iga reeb cayr igama sareeyee"
lkn takoorkii markay kabaxeena waa tuu sacad lahaa
SACAD WADALAAN KA QABAYSAY
OO QULLATEYN DHAAF,
sidaas darteed baa sacad waxay ka faafiyeen saruur inuusan madarkicis dhalin
ilaa waa la coloobeene.
Sanweynaa oo sarara weynaa saruur allow kayeel
Sidaas ayey dacaayadii ku faaftay
SICIID MADARKICIS
WAA CABDALLE IYO CAWAREERE iyo 17 jufo
Waxaa layirii aabayaasha sacad iney galaan wadalaan sida waraasile iyo kabaale lkn maadaama ay bah wadalaan isku hooyo yihiin booskii sifaadle bey ku jiraan .
waxaa loodiidi jirey iney habargidir kamid noqdaan , aakhirkii markey noqdeen oo la weydiiyey takoorkii iney ka baxeen bey waxay ku jawaabeen .
SACAD WADALAAN IYO SILCIS KA QABAYSAY OO QULLATEYN DHAAF,
SALEEBAAN MADARKICIS
waa sadex beel ka badan iyo 20 jufo kabadan
1, warsame saleebaan ( dashame)
2, faarax saleebaan ( farax )
3, maxamed saleebaan ( arab)
4, kuwo badanna galbeed iyo woqooyi bey ku maqal dambeeyeen
Sidoo kale waxay qabaan taariikhyahanno dhaqan oo badan in sifaadle iyo saleebaan isku hooyo yihiin oo bah wadalaanku iyaga bis yahay
gabagabo . Waxaan qalday iga sax waxaan ka tagay kudar
mahadsanid.
Hawiye (Af Carabi : ar) waa beel ka mida qabiilada Soomaalida, kuwaasi oo ku dhaqan deegaano ka tirsan wadanka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiinya. Sida lagu xusay taariikhda, beesha Hawiye waxay walaalo yihiin Beesha Dir iyagoo ku wada abtirsada odayga Irir Samaale. Hawiye ayaa kow[3][4] ama laba[5][6] kaga jira badnaanta tirada qabiilooyinka soomaalida, waxay degaan caasimada Muqdisho[7].
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.