Dhoobley

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Dhoobley waa degmo ku taalla gobolka Jubada Hoose u dhow xadka Kiiniya, waxaa kaloo loo yaqaan Libooyo Soomaaliya. Waxay leedahay 10 Dugsi oo Saddex ka mid ahi ay dugsi sare yihiin, Sidoo Kale Degmaddu waxay hodan ku tahay biyaha oo waxa ay leedahay ku dhawaad sideed ceel biyood. Ceelaha biyood waxay waraabiyaan dhamaan deegaannada ku xeeran, xoolaley aad u tiro badan kuwaas oo xilliyadda abaarta magaaladda u soo aroora, degmooyinka ku xeeran Dhoobley iyo dhanka gobolka NFD. Sidoo Kale Dhoobley Waa Magaaladda Labaad ee ogu Wayn Gobolka Jubadda Hoose Marka laga yimaado Kismayo oo ah magaalo madaxda gobolka Jubadda Hoose.

Quick facts DhobleyDhoobleey Liboya Somali, Wadanka ...
Remove ads

Deegaannada Dhoobley ka hoos taga

Dhoobley Waxaa Hoos taga Dhamaan Deegaannada kala ah:

Diif

• Degelema

•Tabto

Hoosingoow

•Bilis qooqaani

Iyo Dageemo kale oo badan.

Dhaqaalaha Dhoobley

Ilaha Dhaqaale Ee Dhoobley ogu muhiimsan waa ka ganacsiga xoolaha nool. Ganacsiga xuduudeed sida Sarifka Lacagaha, iyo Airport ka magaaladda. Canshuurta Gaadiidka u kala goosha labada wadan. IWM.

TAARIIKH KOOBAAN

Dhoobley Waa magaalo kutaalo xadka kala qaybiya lawada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa la aas aasay degaanka dhoobley sanadkii 1971 ilaa 1974. Waxay aheed tuulo ay maraan gawaarida u kala gudubto soomaaliya iyo kenaya ,dhoobley xiligaa waxaa la oron jiray( Libooyo soomali). Waxaana degaanka ku yaalay xiligaa halceel biyood oo ay xooluhu kacabi jireen, balse hada ceelkasi aan shaqayn, xiligii sideetameyadii ayaa waxaa laga qoday labo ceel biyood oo kale, laguna kala magacaabo (Dhoobale iyo guuxeyne).

Burburkii dawladii dhaxe kadib ee sanadii 1991 ayaa waxaa dhoobley soomary qoxooti aad u tira badan una socoday dalka Kenya gaar ahaan xiradii qaxootiga kutaalay (libooyo kenya). Dhoobley xiligaa waxaa ay aheed marin ay maraan dadka ka soo caraya dagaalda kasocdo dalka. Sanadkii 1993 ayaa waxaa ay deegaanka Dhoobley noqotay degaan rasmi ah oo ay daganyihiin qoysas barkacayaal ah iyo dadkii degaanka horay u daganaa. Iskoolkii ugu horeeye ee Dhobley laga dhiso waxaa uu ahaa iskoolka (WAAMO) oo la aas aasay sanadkii 1996, balse hada, waxaa ay leedahy in kabadan 10 iskool.

Dhoobley waxaa ay ka koobantahay xaafado gaarayo 5 xafadood oo ay kow katahay Xaafda ,Buulakutur xaafada Boosniya ,Waabari iyo xaafada Koowaad, iyo waliba xaafada Danwadaag oo ay daganyihiin barkacayaal. Dhoobley waxaa ay soo martay marxaldo kala dugan dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacaye waa uu saameye degaanka . Maamulo kala dugan ayaa soomaray Dhoobley mid dawli ah iyo mid aan dawli aheen " Maamulka Jubaland ayaa waxaa ay Dhoobley la wareegen sanadkii 2011 oo ay ka xoreyen kooxda Al-Shabaab.

Dhoobley maanta waa magaalo hormartay. Dhanka tacliinta, dhanka dhismaha oo waxaa ay noqotay magaalda labaad ee ugu dhismaha qurxsan degaanda WAAMO IYO JOORE ee gobalka jubada hoose. Waxaa ay leedahy garooan diyardeed oo ah midaka labaad ee ugu mashquulka badan Jubaland. Waxaa ay buuxisay sharuudaha dagma nimo balse wali manoqom dagmo buuxda oo dhanka dawlada lagama ansixin balse waa ay sugeysaa .Dhoobley waxaa ku yaalo isbitaalka labaad ee gobalka Jubada Hoose ee uguweyn. Dhoobley waxaa la filayaa in bisha 7aad ee fooda inagu soo hayso lasaaro wado laami ah oo dhirarkeedu gaarayo 20km.

Dhoobley waa magaalo hormartay , waa degaan ay soomali oo dhan kunoolyihiin.

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads