mid ah Beelaha Habar Cafaan, Gadabuursi ee dega Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqoono Somaliland, deegaanada waqooyi galbeed ee wadanka Itoobiya iyo wadanka Jabuuti From Wikipedia, the free encyclopedia
Xeebjire (Af Ingiriis : Hebjireh; Af Carabi : ar; sidoo kale loo yaqaano Reer Sheekh Ismaaciil) waa beel ka mid ah Beelaha Habar Cafaan, Gadabuursi ee dega Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqoono Somaliland, deegaanada waqooyi galbeed ee wadanka Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Beesha Xeebjire oo caan ku ah nabada iyo horumarka ayaa waxay laf-dhabar u tahay guud ahaan beelaha Samaroon, gaar ahaan labo iyo tobanka Habar Cafaan. Xeebjire waxay guud ahaan u kala baxdaa sadex reerood oo kala ah Abiibakar (Maandhoowe), reer Maxamuud iyo reer aw Nuux.[1] Beesha Xeebjire waxay ka soo tafiirantay Sheekh Ismaaciil Sheekh Cumar Siyaad oo ahaa sheekh caalim diinta Islaamka ah, kaasi oo la sheegay inuu Quraanka iyo diinta bari jirey beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya. Sheekh Ismaaciil wuxu ku dhashay deegaanada Buurta Sheekh, halkaasi oo markuu barbaaray ka bilaabay fidinta iyo barida diinta Islaamka. Sheekh Ismaaciil wuxuu guursaday asagoo dhalinyaro ah, goortii uu dhalay wiilkiisa curad Abiibakar ayuu u soo guurey deegaanada Harawo oo ah meesha uu si rasmi ah u degenaa intii u badneyd noloshiisa. Sheekhu wuxuu safaro badan ku tegi jirey deegaanda xeebaha sida magaalda qadiimiga ah ee Saylac iyo Berbera halkaasi oo uu ka qeyb qaadan jirey fidinta iyo barida diinta Islaamka. Taasi waa sababta keentay in loo bixiyo tafiirtiisa Ilmo Xeebjire oo wakhtigaasi laga waday caruurtii Sheekha ku maqan xeebaha. Mudo ka dib, naaneystii ahayd ilmo Xeebjire waxay isku bedeshay magaca ma hadhaanka ah ee Xeebjire. Sheekhu wuxuuku aasan yahay deegaanka Xeebjire ee Harawo taasi oo ka tirsan wadanka Itoobiya, halkaasi oo lagu siyaarto 21ka Shacbaan ee taariikhda Hijriga ah.[2]
Fadlan meeshan haku darin qoraal aan munaasab ahayn. Wixii fikir ah ku qor Bogga Wadahalka. |
Xeebjire | |
---|---|
Gobolka Awdal waa deegaanka beesha | |
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude. | |
Dalka | Somaliland, Somalia, Jabuuti, Itoobiya |
Ka tirsan | Beesha Habar Cafaan, Gadabuursi |
Dowlada | |
• Nuuca | Boqortooyo, Saldanad, maamul beeled, Oday dhaqameed |
• Hoostagta | Maamulka Beelaha Gadabuursi |
Area | 21,374 km2 (8,253 sq mi) |
Tirada dadka (2007) | |
• Dhammaan | 257 311 |
• Cufnaanta dadka | 12.52/km2 (32.4/sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Beesha Xeebjire waxay ka soo tafiirantey Sheekh Ismaaciil Sheekh Cumar Siyaad Aw Khudub.[3]
Beesha Xeebjire waxay ku dhaqan tahay gobolada Waqooyiga Soomaaliya, meelo ka mid ah wadanka Djibouti, iyo Gobolka Soomaali Galbeed wadanka Itoobiya.
Guud ahaan bulshada ku abtirsata beesha Xeebjire waxay deegaan ku yihiin gobolada Waqooyi ee Somaliland (gobolka Awdal, Selel iyo Gabiley), gobolada Soomaalida Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Tirada iyo tayada beeshu waa mid ka dhex muuqata deegaanada ay ku dhaqan yihiin.[4] Tusaale ahaan, maamulka Somaliland beeshu waxay ku leedahay kuraasi la taaban karo, sida wasiir, agaasime, janaraal, wasiir-ku-xigeen iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, maamulka Soomaalida Itoobiya ayay beeshu kaga jirtaa safka hore, halkaasi ooy ku leedahay kurasi wasiiro, baarlamaan iyo xubno kale oo dowli ah.
Beesha Xeebjire waxay caan ku tahay nabada iyo horumarka. Tan iyo ilaa heshiisyadii lagu dhisay maamulka Soomaaliland ayay beeshu martigelin, taageero, dhexdhexaadin iyo tusaalayn ku wadan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi. Waxaa intaas dheer oo beesha Xeebjire lagu yaqaanaa horumarinta iyo dhiirigelinta waxbarashada, caafimaadka, aqoonta iyo cilmiga.[5]
SHEEKH ISMAACIIL (Xeebjire) |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.