From Wikipedia, the free encyclopedia
Warbaahinta Soomaaliya (Af Ingiriis : Media of Somalia) waa dhamaan aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo war-isgaadhsiinta wadanka Soomaaliya; kuwaasi waxaa ka mid ah idaacadaha raadiyowga, telefishanka, warbaahinta internetka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta ka hoowlgasha wadanka Soomaaliya.[1] Sida lagu sheegay buugaag badan oo taariikhi ah, dadka Soomaalida ahi waxay tan iyo wakhtiyo hore ahaayeen kuwo ku safra badaha waaweyn ee caalamka, ayagoo u socdaalaya sababo kala duwan, sida ganacsi, aqoonraadis, dalxiis, iyo kuwo kale.
Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo War-isgaarsiinta Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Information, Posts and Telecommunication) waa wasaarada maamusha warfaafinta iyo xidhiidhka dowlada wadanka Soomaaliya.[2] Sidaasi ay tahay, wasaaradani waxay masuul ka tahay dhamaan warisgaarsiinta iyo Adeega Boostada Soomaaliya.
17kii Janaayo 2014, Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wuxuu wasaarada u kala jebiyay labo qeybood kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta, iyo Wasaarada Warfaafinta.[3]
Boostada Soomaaliya | |
Waxbixin Wakaalada | |
---|---|
Nooca | Adeega boostada |
Hoos-tegta | Dawladda federaalka Soomaaliya |
Xarunta sare | Muqdisho, Soomaaliya 2°04′00″N 45°22′00″E |
Wasiirka wakiilka ah |
|
Parent agency | Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta |
Website | mipt.gov.so |
Adeega Boostada Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Postal Service) (Boostada Soomaaliya) waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[4] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[5] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[6]
Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[7]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.