Suxufi Ibraahim
From Wikipedia, the free encyclopedia
Suxufi Ibraahim
Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim") waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim.[1][2] Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.[3]
Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[5][6][7][8]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.