Suurada Al-Faatixa

Thumb
Quraanka kariimka ah.
Thumb
Suuratul Al-Faatixa.
ٱلۡفَاتِحَةِ

Al-Faatixa Suuratul Al-Faatixa (ingiriis: Al-Fatiha; carabi: ﺳﻮﺭﺓﺍﻟﻔﺎﺗﺤﺔ; loogu dhawaaqo Sūrat al-Fātiḥah)[1] waa suurada kowaad ee Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka kaasi oo Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed (n.n.k.h).

Suuradani Al-Faatixa oo macnaheedu yahay fur-furid, fur-furasho iyo bilaabid ayaa waxay ka kooban tahay todoba aayadood kuwaasi oo sharaxaya "mahadnaqa Alle", "naxariista Alle", cibaadada iyo ka cabsashada Ilaahay. Suurada al-Faatixa qof kasta oo muslim ah oo salaada tukada waxaa ku waajib ah inuu akhriyo suuradan 5ta jeer ee gudashada salaadaha faralka ah. Sida uu wariyey asxaabiga Cabdillahi ibnu Cabbaas iyo kuwo kaleba suurada Al-Faatixa waa mid Makki ah, taasi macnaheedu waa waxay Nebi Muxamed (n.n.k,h) ku soo degtay asagoo jooga magaalada Makkah.[2][3]

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.