Sodhiyaam
From Wikipedia, the free encyclopedia
Sodhiyaam (Ingiriis: Sodium) calaamad Na waa curiye kimiko bir ah oo tiroda atomkiisu tahay toban-iyo-kow. Sodhiyaam waa bir jilicsan oo leh midab silfar cadaan xiga markeey saafiga tahay. Curiyehan oo leh falgal aad u firfircoon ayaa waxay xubin ka tahay juffada Birta Alkali.
Sodhiyaam
Sodhiyaam ma ahan curiye la helo kaligiis laakiin waxaa laga soo dhex saaraa Isku dhisyada eey ku jirto, waxaan helay markii ugu horeeysay saynis-yahan Humphry Davy sanadkii 1807.
Sodhiyaam waa curiyeha lixaad ee ugu badan Qolof Dhulka, ayadoo u sameeysan isku dhisyo macdan ah sida cusbo-dhagaxeedka SodhiyaamKoloraydh (NaCl). Isku dhisyada Sodhiyaam aad ayay u faa'iido badan yihiin waxaana loo isticmaalaa in laga diyaariyo saabuunta (sodhiyaamhaydarogsaadh) (lye) iyo nafaqooyin sida Milixda (sodhiyamkoloraydh). Sidoo kale curiyahan aad ayuu muhiim yahay jidhka Xayawaanka iyo dhirtaba.