Seattle, Siyaatal ( Listeni/ ætəl/ see-AT-əl) waa magaalo xeebeed, deked iyo caasimada gobolka Washington iyo fadhiga dowlada King County ee wadanka Maraykanka. Magaalada Siyaatal waa mida ugu weyn gobolka Washington iyo deegaanada Pacific Northwest ee xiga galbeedka wadanka Maraykanaka; waxaana ku dhaqan magaaladan tiro dad ah oo dhan 668,342 taasi oo ka dhigeysa magaalada ugu koritaanka badan wadanka Maraykanka.[5]

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Seattle ee wadanka Maraykanka.
Quick Facts Siyaatal, Washington, Wadanka ...
Siyaatal, Washington
Thumb
Farasmagaalaha Seattle ee Buurta Queen Anne
Nickname(s): 
Caasimad Qaaliga / Caasimada Sare / Caasimada Roobka
Motto(s): 
Caasimada Ubaxa / Caasimada Wanaaga
Thumb
Seattle
Seattle
Deegaanka Siyaatal ee Maraykanka
WadankaMaraykanka
DeegaankaWashington
CountyKing
Dowlada HooseDiisamber 2, 1869
Dowlada
  NuucaXafiiska Duqa-Degmada
  BodyGolaha Degamada Siyaatal
  Duqa-MagaaladaEd Murray
  Mayar Ku XigeenHyeok Kim iyo Kate Joncas
Area
369.2 km2 (142.5 sq mi)
  Land217.2 km2 (83.87 sq mi)
  Water152.0 km2 (58.67 sq mi)
  Metro
21,202 km2 (8,186 sq mi)
Joogga
0–158 m (0–520 ft)
Tirada dadka
  Caasimad608,660
  Estimate 
(2014)[2]
668,342
  RankUS: 20aad
  Cufnaanta dadka3,077/km2 (7,969/sq mi)
  Urban
3,059,393 (US: 14aad)
  Metro
3,671,478 (US: 15aad)
Magac kaleSeattleite
Aag saacadeedUTC-8 (PST)
  Xagaa (DST)UTC-7 (PDT)
ZIP Kodhyada
Furaha206
FIPS code53-63000
Aqoonsiga GNIS1512650[4]
Websitewww.seattle.gov
Close

Intaasi waxaa dheer, marka la isku daro magaalda Siyaatal iyo nawaaxigeeda (deegaanada hoos tega magaaladan) ayaa waxaa ku dhaqan bulsho dhan 3.6 milyan, taasi oo Siyaatal ka dhigeysa deegaanka 15aad ee ugu weyn dalka Maraykanka.[6] Caasimada Siyaatal waxay ku fidsan tahay deegaan xad la leh Badweynta Baasifikada, harada Washington iyo wadanka Kanada oo ka xigta waqooyi. Badweynta Baasific oo ku xidhan qaarada Aasiya ayaa waxay u suurtogelisay magaalada Siyaatal ineey noqoto goob ganacsi iyo deked aad u mashquul badan; taasi oo ka dhigeysa magaaladan dekeda 8aad ee ugu weyn dekedaha wadanka Maraykanka iyo tan 9aad ee ugu mashquulka badan qaarada Waqooyiga Ameerika.[7]

Taariikh ahaan, deegaanka ay ku taalo magaalada Siyaatal waxaa ku dhaqnaan jirey dadka loogu yimid dhulka ee loo yaqaano Hindida Cas ("Red Indian") kuwaasi oo ku noolaa deegaankaasi wakhti ka badan 40,000 sano ka hor intii aanay iman gumeystihii reer Yurub.[8] Markii ugu horeeysay taariikhda casriga ah waxaa deegaankaasi tegay nin sahamiye ahaa oo la odhan jirey Arthur A. Denny iyo koox uu hogaaminayay markii taariikhdu ahayd Noofembar 13, 1851.[9] Kooxdan waxay deegaanka maanta ah magaalada Siyaatal ka abaabuleen magaalo; waxaana magaca "Seattle" la bixiyey sanadkii 1852 ayadoo loogu magac-daray mid ka mid ah caaqilada Hindida cas ee ka soo jeeday qabiilka "Duwamish" iyo "Suquamish". Waxyaabihii ugu horeeyay ee laga aasaaso magaalada Siyaatal waxaa ka mid ahaa wershadaha iyo dhismaha maraakiibta; kuwaasi oo qarnigii 19aad noqday kuwo macaash badan oo magaalada Siyaatal iyo gobolka Washington ku xidha Gobolka Alaska iyo dunida inteeda kale. Ganacsiga, waxsoo saarka wershadaha iyo dhismaha maraakiibtu waxay ka dhigeen Siyaatal mid ka mid ah 25ka caasimadood ee ugu awooda badan wadanka Maraykanka horaantii qarnigii 20aad wakhtigaasi oo aad u kortay ama balaadhatay magaalada Siyaatal.[10]

Thumb
Farasmagaalaha Siyaatal iyo nawaaxiga xeebta.[11]

Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalo xumadii ku dhacday dalka Maraykanka sanadihii 1930kii ee loo yaqaanay "Great Depression" ayaa si xun u burburiyay dhaqaalihii iyo kobocii magaalada Siyaatal. Ayadoo aad ula taag daran dhaqaalo xumadaas aya waxa ugu biiray Dagaalkii Labaad ee Aduunka kaasi oo dhabarka ka jebiyay awooda iyo ganacsiga magaalada. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii 1980kiii ayaa waxaa magaalada laga dhisay shirkado waaweyn oo ganacsi kuwaasi oo aad u soo qaaday dhaqaalaha magaalada. Shirkadha ay magaalada Siyaatal saldhiga u tahay waxaa ka mid ah Amazon.com, Microsoft, iyo T-Mobile US oo ah shirkado caalami ah oo dunida dhan laga isticmaalo waxyaabaha ay soo saaraan. Intaasi wixii ka dambeeyay magaalada Siyaatal waxay samaysay koboc xaga dhaqaalaha iyo awooda ah.

Guud ahaan, caasimada Siyaatal waxay caan ku tahay ganacsiga, dalxiiska xeebaha, heesaha, dhaqanka dadka Hindida Cas, iyo waxyaabo kale oo badan.[12]


Taariikhda

Thumb
Sawir-gacmeed dagaalkii Hinida Cas iyo gumeystihii Yurubiyaanka sanadkii 1895kii.

Taariikh ahaan, deegaanka ay ku taalo magaalada Siyaatal waxaa ku dhaqnaan jirey dadka loogu yimid dhulka ee loo yaqaano Hindida Cas ("Red Indian") kuwaasi oo ku noolaa deegaankaasi wakhti ka badan 40,000 sano ka hor intii aanay iman gumeystihii reer Yurub.[8]

Thumb
Muuqaaladii ugu horeeyay ee magaalada Siyaatal

Markii ugu horeeysay taariikhda casriga ah waxaa deegaankaasi tegay nin sahamiye ahaa oo la odhan jirey Arthur A. Denny iyo koox uu hogaaminayay markii taariikhdu ahayd Noofembar 13, 1851.[13] Kooxdan waxay deegaanka maanta ah magaalada Siyaatal ka abaabuleen magaalo; waxaana magaca "Seattle" la bixiyey sanadkii 1852 ayadoo loogu magac-daray mid ka mid ah caaqilada Hindida cas ee ka soo jeeday qabiilka "Duwamish" iyo "Suquamish". Waxyaabihii ugu horeeyay ee laga aasaaso magaalada Siyaatal waxaa ka mid ahaa wershadaha iyo dhismaha maraakiibta; kuwaasi oo qarnigii 19aad noqday kuwo macaash badan oo magaalada Siyaatal iyo gobolka Washington ku xidha Gobolka Alaska iyo dunida inteeda kale. Ganacsiga, waxsoo saarka wershadaha iyo dhismaha maraakiibtu waxay ka dhigeen Siyaatal mid ka mid ah 25ka caasimadood ee ugu awooda badan wadanka Maraykanka horaantii qarnigii 20aad wakhtigaasi oo aad u kortay ama balaadhatay magaalada Siyaatal.[14]


Muuqaalka Magaalada

Thumb
Dhismayaasha dhaadheer ee magaalada Seattle

Thumb

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...
Close


More information Gobolada Maraykanka ...
Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota
Close

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.