Naxaas (ingiriis: Silver) astaanta (Ag) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay afartan-iyo-todoba (47). Curiyaha Naxaastu waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 11aad ee Diwaanka Curiye.

Naxaas

Thumb
Curiyaha Naxaasta.

Naxaastu waa bir jilicsan, leh midab cad oo iftiimaya, taas oo leh gudbinta ugu fiican ee kulka iyo korontada dhamaan 118 Curiye ee dhulka, cirka iyo badaha laga helo. Naxaasta waxaa si dabiici ah looga helaa oogada sare ee dhulka, ayadoo isku dhisyo jaandi ah inta badan ku ladhan dahabka, Sinkiga, Koberta iyo biro kale.

Naxaasta waxaa la isticmaali jirey tan iyo wakhti hore, ayadoo laga samayn jirey shilimaanta iyo sheeyada la isku qurxiyo. Maantana waxaa ugu badan ee loo isticmaalaa waa xadhgaha korontoda, taleefanada, fiidhiyowyada, gaadiidka, filimka sawirka, milano lagula dagaalamo baakteeriyada, iyo maalgashi warshadaha ayadoo shilinka naxaasta ah.

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.