Curiye kiimiko From Wikipedia, the free encyclopedia
Rubiidhiyaam (ingiriis: Rubidium) astaanta (Rd) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay sodon-iyo-todoba (37). Curiyaha Rubiidhiyaam waa bir ka tirsan curiyayaasha guruubka 1aad, (Birta Alkali), ee Diwaanka Curiye.
Markii u horeeysay curiyahan waxaa helay labo saynisyahan ee kala ah Robert Bunsen iyo Gustav Kirchhoff sanadkii 1861.
Rubiidhiyaam waa bir ka tirsan birta alkali taas oo leh midab cowlaan-cad, jilicsan, miisaankeeduna yahay 85.4678. Si la mid ah curiyayaasha ay la guruubka tahay, Rubiidhiyaam waa mid aad u firfircoon oo si degdeg ah ula falgalsha hawada, biyaha iyo dhamaan curiyayaasha ay la kulanto.
Curiyaha Robiidhiyaam sida dabiiciga ah waxa la helaa asagoo ah labo isotope: 85Rb mid leh isotope degan, iyo 87Rb oo ah radioactive.
Maadaama Robiidhiyaamtu si fudud u uumi baxdo, waxaa loo isticmaalaa waxyaabo badan ooy ka mid tahay laserka.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.