From Wikipedia, the free encyclopedia
Birta Alkali
Birta Alkali waa guuto curiyeyaal bir ah kuwaas oo leh astaamo kimiko isku mid ah.
Guruubka Birta Alkali waa lix curiye ee guruubka 1aad ee Diwaanka Curiye kuwaas oo kala ah: Liithiyaam (Li), Sodhiyaam (Na), Botashiyaam (K), Rubiidhiyaam (Rb), Kaasiyaam (Cs) iyo Faransiyaam (Fr).
Curiyayaasha safkan guruubka 1aad waxaa loo yaqaanaa s-block sababtoo ah dhammaantood waxay leeyihiin elektaroono qolof-sare u wareega s (s-orbital).
Sidoo kale, curiyeyaasha Birta Alkali waxay leeyihiin dhaqan isku dhow: dhammaantood waa bir iftiimaysa, jilicsan, isla markaana aad u firfircoon oo leh falgal degdeg ah. Dhamaantood waxa lagu kala jari karaa [[midi]da jileec darteed, si dhakhso badan ayayna u daxaleeystaan sababtoo ah waxay la falgalaan Ogsajiin.
Firfircoonida falgalkooda darteed, ayaa waxa lagu dhex keeydiyaa saliida si looga ilaaliyo hawada, waxaana sida dabiiciga ah la helaa ayagoo isku dhisyo kala duwan ah sida cusbada. Sidoo kale, curiyeyaasha birta alkali waa milme si fudud ugu dhex milma biyaha.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.