From Wikipedia, the free encyclopedia
Khamiis (Af Ingiriis : thoub, thawb; Af Carabi : ar) waa maro dheer oo laga tolo cudbi taasi oo xidhaan raga, gaar ahaan Dunida Islaamka iyo wadano badan oo Carabta ah. Khamiisku waa mid dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Khamiisku wuxuu ka mid yahay dharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan mararka qaar. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]
Khamiisku wuxuu ka mid yahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba. Khamiisku waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Macawiistu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[2]
Ereyga Khamiis asal ahaan waa mid Af-Carabi kaasi oo luuqado badan ka soo amaahdeen.[3]
Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.