Mucawiya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Mucaawiye bin Abii Sufyaan (ingiriis: Muawiyah I; Carabi: معاوية ابن أبي سفيان), loogu dhawaaqo: Muʿāwiyah ibn ʾAbī Sufyān; 602 – April 29 or May 1, 680) waa asxaabiga dhisay boqortooyadii Umawiyiinta[1] ee ku xigtey maamulkii Khilaafada Raashidiinta .[2] Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii labaad ee khaliif noqda kaas oo ka soo jeeda qabiilka Umawiyiinta [3].
Wakhtigii uu noolaa Nebi Muxamed (n.n.k.h) Mucaawiya wuxuu xoghaye[4] u ahaa nebiga, taas oo xataa markuu dhintey uu jagadaasi u sii hayay khulafadii la wareegtay hogaanka dowladii Islaamka sida Abu Bakar iyo Cumar .[5] Intaas waxaa dheer, Mucaawiya wuxuu ka qayb galay dagaalo badan iyo qaswado xoog leh, waxaana tusaale fiican inoo ah dagaalkii lagu furtey Suuriya ee lagaga guuleystay boqortooyadii Baaysantiin, deegaankaasi oo markii dambe lagu wareejiyay hogaanka Mucaawiya.[6]
= Noloshii Hore ee Mucaawiya =wuxuu ahaa nin geesi ah oo la holin wayo