From Wikipedia, the free encyclopedia
Honduras (ingiriis: Republic of Honuduras, i/ ˈdʊərəs/ ; af-Isbaanish: on'duras, República de Honduras) sida dowliga loo yaqaano Jamhuuriyada Honduras, waa wadan jamhuuri ah oo dhaca Bartamaha Ameerika. Wakhtiyada qaar waxa loo yaqaanay Isbaanish Honduras si looga sooco British Honduras oo markii dambe la baxdey Belize.
Jamhuuriyada Honduras República de Honduras
|
||||||
---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
Hal ku dheg:
|
||||||
Heesta qaranka: Himno Nacional de Honduras Heesta Calanka Honduras |
||||||
Magaalo madax Waa Magaalada ugu balaaran | Tegucigalpa 14°6′N 87°13′W | |||||
Luqadaha rasmiga ah | Isbaanish | |||||
Luqadaha laga aqoonsanyahay aduunka |
|
|||||
Qaybaha qoomiyedaha ([1]) |
|
|||||
Dadka |
|
|||||
Xukunka | Madaxweyne | |||||
- | Madaxweynaha Honduras | Juan Orlando Hernández | ||||
- | Hogaanka Golaha Sare | Mauricio Oliva | ||||
Sharci dejinta | Golaha Dowlada | |||||
Madaxbanaani | ||||||
- | Ka qaadateyb Isbayn | 15 Sebtembar 1821 | ||||
- | Ku dhawaaqay Boqortooyadii ugu horeeysay ee Meksiko |
1 Luuliyo 1823 | ||||
- | Loogu dhawaaqey Jamhuuriyada Honduras | 5 Nofembar 1838 | ||||
Baaxad | ||||||
- | Guud ahaan | 112,492 km2 (102aad) 43,278 sq mi |
||||
Tirada dadka | ||||||
- | 2010 qiyaasta | 8,249,574 (94aad) | ||||
- | 2007 Tirakoob | 7,529,403 | ||||
- | Mugga Dadka | 64/km2 (128aad) 166/sq mi |
||||
Wax soo saar (PPP) | 2014 qiyaastii | |||||
- | Guud ahaan | $40.983 bilyan[2] | ||||
- | Qof qof | $4,959[2] | ||||
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) | 2014 estimate | |||||
- | Guud ahaan | $19.567 bilyan[2] | ||||
- | Calaa qof | $2,368[2] | ||||
Qaybsiga (1992–2007) | 55.3[3] (medium) | |||||
Kobaca (2013) | 0.617[4] (medium / 129aad) | |||||
Lacagta | Lempira (HNL ) |
|||||
Waqtiga | CST (UTC−6) | |||||
Wadista Baabuurta | right | |||||
Thiinada telka | +504 | |||||
Furaha Internetka | .hn | |||||
a. | Dadka wadanku waxay u badan yihiin iska-dhal reer Yurub iyo dadka deegaanada loogu yimid ee Hindida Cascas. | |||||
b. | Honduras waxay xubin ka tahay Dowlada Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Badhtamaha Ameerika | |||||
Tiro koob bulshada ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday aafada iyo cuqdada uu dad badan ku riday xanuunka AIDS-ka, oo faro ba'an ku haya qeeybaha kala duwan ee bulshada wadanka Honduras. Hadii isbedel xaga caafimaadka iyo dhaqaaluhu iman waayo sanadka 2007 wixii ka dambeeya waxaa laga cabsi qabaa in hoos u dhac xaga bulashada ah ku dhaco wadankan, taasi oo keeni karta baaba'a iyo tafiir go'a dadka masiibadu aafaysay. |
Jamhuuriyada Honduras waxay jaar la tahay wadanka Guatemala xaga galbeed, koonfurgalbeed waxaa ka xiga wadanka El Salfadoor, koonfurbari waxaa ka xiga Nikaragua, Badweynta Baasifik waxay ka xigtaa koonfur, halka waqooyi ay ka xigto gacanka Honduras oo ka mida Bada Kaaribiyaanka.
Sida taariikhda lagu hayo, wadanka Honduras wuxuu hooy u yahay dhowr ilbaxnimo ka talin jirey Badhtamaha Ameerika wakhti badan ka hor intaanay reer Yurub qabsanin dhulkaasi. Xadaaradahaasi hore waxaa ka mid ah boqortooyadii Maaya, taasi oo soo gaadhay ilaa wakhtigii gumaystihii boqortooyada Isbayn qabsatey deegaankaasi qarnigii 16aad. Gumaystaha ayaa dadka reer Honduraa baray diinta Masiixiga iyo luuqada isbaanishka ee maanta ku hadlaan shacabkaasi. Honduras waxay madaxbanaanida qaadatey 1821kii, wakhtigaasi ooy noqotey jamhuuriyad la jaanqaadi kari weeyday doowladigii telinayay wakhtigaasi.
Guud ahaan, Honduras waa wadanka ugu dilka badan caalamka marka laga hadlayo wadan aan dagaal ku jirin. Wadanku wuxuu leeyahay kooxo gaangistaro hubeeysan, waxaana aad u sareeya musuqmaasuqa. Wadanka Honduras wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 112,492 km2, waxaana ku dhaqan dad ka badan sideed milyan. Sidoo kale wadankani wuxuu qani ku yahay kheyraadka dabiiciga ag, sida macdanta, koffeega, midhaha, sonkorta iyo cudbiga laga sameeyo dharka.
Dalalka Woqooyiga Ameerika | |
---|---|
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.