Hibo Nuura
Fanaanad Soomaaliya / From Wikipedia, the free encyclopedia
Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.[3]
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanada Hibo Nuura. Haku khaldin magaca Hibo.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Hibo Nuura Hibo Maxamed Hudoon هبه محد هدون | |
---|---|
File:Hibo Nuura.jpg | |
Ku dhashay | (1958-05-21) Maajo 21, 1958 ( 65jir) Dilla, Awdal |
Degenaansho | Minneapolis, MN, Maraykanka |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaanad, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1970kii-2014 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1974-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Borama, Awdal |
Ciwaan | Hibo Nuura; Hooyada Fanka, Qalbi Nuura |
Diinta | Sunni Islaam |
Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa.[4] Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.[5]