Liiska Hayadaha Qaramada Midoobay
From Wikipedia, the free encyclopedia
Wakiilada Khaaska (Af Ingiriis : Specialized agencies) sidoo kale loo yaqaano Hay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiska Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[1] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahay Dastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[2][3] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay.
Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[4]