From Wikipedia, the free encyclopedia
Furaat (Ingiriis: Euphrates, Carabi: ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ: "al-Furāt", Af-Turki: Fırat, Siyriyak: ܬܪܦ: "Prath", Yuhuud: פרת "Prat", Armeniyan: Եփրատ: "Yeprat") waa wabiga ugu dheer iyo kan ugu taariikh muhiimsan deegaanada galbeedka Aasiya. Marka lagu daro wabiga Tigris waa dhulka loo yaqaano Mesobotaamiya ee ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey. Wabiga Furaat oo dhererkiisu yahay 2,800 km (1,740 mi) kaas oo ka soo bilaabma harada Murad Su ee bariga wadanka Turkiga; qiyaastii 25 km koonfurbari magaalada Kara Su, iyo 30 km ka dib meesha uu ka soo bilaabmo webiga Tigris.
Webiga Furaat Fırat/ ܬܪܦ/פרת / Եփրատ Euphrates/ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ | |
---|---|
wabiga Furaat meel u dhow magaalada Xalabiye ee dalka Suuriya. | |
Nickname(s): magacu wuxu ka yimid ereyga Beershiyaanka ah Ufrātu, taasi o ka timid ú-ip-ra-tu-iš | |
Maabka labada webi Tigris iyo Furaat ee Mesobotaamiya ku dhex taalo. | |
Wadanada | Ciraaq, Suuriya, Turkiga |
Deegaanada uu soo dhex maro: | Balikh, Khabur, Sajur |
Magaalooyinka u dhex maro: | Birekik, Ar-Raqqah, Deir el-Zoor, Mayadin, Xadisa, Ramadi,Xabbaniyah, Fallujah, Kufa, Samawah, Nasiriyah; Harta Assad, Harta Qadisiyah, Harta Xabbaniyah |
Isha uu ka soo bilabmo: | Harta Murat su ee dalka Turkiga |
Area | 2,800 km2 (1,100 sq mi) |
• Land | 500,000 km2 (200,000 sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+2 (UTC) |
Isku celcelis: 365 m3/s (12,572 cu ft/s) |
Webiga Tigris iyo webiga Furaat waxay mid ka yihiin deegaanada loo yaqaano Mesobotaamiya oo ah meeshii ay ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey.
Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2]
Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Furaad (Yufraad) iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay. Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.”[3].
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.