From Wikipedia, the free encyclopedia
Funaanad (Af Ingiriis : T-shirt; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Garan, waa dhar laga hoos gashado shaaiyada, inta badan malahan galuusyo, sidoo kale inta badan malahan wax jeeb ah. funaanada malahan kuleeti, waxee leedahay qoor aad u gaaban.
Funaanadu wuxuu ka mid yahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba isticmaalaan kaasi oo loo xidho in jidhka ka difaaco dhaxanta iyo qaboowga. Sidoo kale, garanka waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, dunida maanta waxaa jira shaqooyinka qaar ay khasab tahay in shaqaaluhu ku soo labistaan koodh. Guud ahaan, garanku waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Shaadhku wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[1]
Ereyga Garan asal ahaan waa mid Af-Ingiriis ah oo waxaan ka soo xiganahay luuqadaasi Ingiriiska ereyga Garment.[2]
Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[3] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[4][5]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.