Farraare
From Wikipedia, the free encyclopedia
Farraare (Af Ingiriis : Mars; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Mariikh iyo Meeraha guduudan, waa meere ka mid ah meereyaasha Bahda Midaysay Qoraxdu.[1] Magaca meeraha guduudan waxaa loogu bixiyay midabka uu leeyahay markii cirka laga fiiriyo oo ah midab casaan ah. Farraare wuxuu lee yahay jawi aad u khafiif ah oo badankiisu ka samaysan Kaarboon-labo-ogsaydh. Wuxuu kaloo lee yahay in yar oo Nitrojiin, Argon iyo Ogsajiin.[2]
Farraare labadiisa cidhif ee qudbiga waxaa ku xargagsan barafka (CO2) iyo Biyo. Waxaa lagu wada in waa hore uu meerahan lahaan jiray biyo dareere ah.[3] Kulsidka habeen iyo maalin u dhexeeya waa in ka badan 100 °C.
Farraare wuxuu lee yahay buurta ugu joogdheer buuraha meerayaasha oo dhan, waa buur-burqaaneedda Olympus Mons,[4] oo joogdhererkeedu yahay 25 km . Farraare wuxuu leeyahay labo dayax Phobos iyo Deimos.[5]