From Wikipedia, the free encyclopedia
Durbaan, Durmaan (Af Ingiriis : drum; Af Carabi : ar) waa qalab ka samaysan alwaaxyo iyo harag la isku giijiyay kaasi oo la garaaco (tumo) si uu u sameeyo shanqadha cod muusig. Durbaanku wuxu ka mid yahay qalabka ugu da'da weyn ee dadku isticmaali jireen tan iyo horaantii ilbaxnimada.
Durbaanku wuxuu ka samaysan yahay dahaar (inta ugu badan harag) lagu duubay weel adag (inta badan geed la qoray) kaasi oo lagu garaaco hal ama labo ulood ama gacmaha si uu u sameeyo shanqadh hadba nooca loo garaaco ku xidhan.[1] Sida badan durbaanka Waxaa garaaca hal qof kaasi oo isticmaalaya gacmaha ama ulo, Sidoo kale Waxaa jirta in tiro badab oo durmaano ah hal mar la wada garaaco si ay u sameeyaan shanqadh aad u balaadhan.
Ujeedada durbaanka loo isticmaalo waxay ku xidhan tahay dadka, deegaanka iyo dhaqanka. Laakiin guud ahaan Waxaa loo isticmaalaa in uu qurxiyo cod, hees, gabay, geeraar, ciyaar iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, deegaanada dadka Soomaalida ku nool yihiin waxaa durmaanka la isticmaalaa wakhtiyada dabaaldega, xafladaha, arooska iyo wixii la mid ah.[2]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.