Doonis
From Wikipedia, the free encyclopedia
Doonis (Af Ingiriis : ask for hand in marriage) waa xaflada ugu horeeysa tallaabooyinka guurka wakhtigaasi oo caruuska iyo qooyskiisu codsadaan in la siiyo gabadha arooska ee midowga labo qof ku galayaan guurka. Sida caadiga ah, doonistu waxay ka horeeysaa meherka kaasi oo dhacaa ka hor intaaney xaflada iyo damaashaadka wakhtiga ay dhacayso arooska iyo wixii damaashaad iyo farxad ah ee la xidhiidha.[1] Nidaamka iyo dhacdada aroosku waa mid ay ku kala duwan yihiin bulshada caalamku taasi oo ku xidhan dhaqanka, caadada, diinta, wadanka, bulshada iyo heerka darajada dhaqaale ee lamaanaha.
Aroosyada badankooda waa dhacdooyin farxad leh.