Dekada Muqdisho
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dekadda Muqdisho (Af Ingiriis : Port of Mogadishu), sidoo kale loo yaqaano Dekadda Caalamiga Muqdisho,[1] waa dekada rasmiga ah ee magaalada caasimada Muqdisho, taasi oo u adeegta howlaha dowlada Soomaaliya. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badan Geeska Afrika.[2] Dekedda Muqdisho waxaa asal ahaan la sameeyay wakhti aad u horeeyay, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigii Boqortooyadii Roomaanka.[3]
Quick Facts Dekadda Muqdisho Port of Mogadishu, Meesha ku taalo ...
Dekadda Muqdisho Port of Mogadishu | |
---|---|
Muuqaalka Dekeda Muqdisho. | |
Dekadda MuqdishoPort of Mogadishu is located in Earth Dekadda Muqdisho Port of Mogadishu | |
Meesha ku taalo | |
Wadanka | Somalia |
Meesha | Muqdisho |
Macluumaad kale | |
Gacanta ku haya | Kooxda Albayrak |
Mulkiile | Hogaanka Dekeda Muqdisho |
Qaadi karta | 920 dooni |
Website www.portofmogadishu.com |
Close
Dhinaca kale, dekedani waa mida ugu weyn dhamaan dekadaha ku yaala wadanka Soomaaliya.[4]