From Wikipedia, the free encyclopedia
Cirjeex (Jupiter) ama loo yaqaano magacyada kala ah (Cirjiir) ama (Mushtari) waa meeraha 5aad ee ugu dhow qoraxda[1] ayadoo u jirta masaafo dherer dhan 5.2 AU, iyo 318 jeer muga dhulka. Sidoo kale, Cirjeex waa kan ugu weyn meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay.[2] Waa meere neef (gas) ah, oo jawigiisuna ka samaysan yahay isku dhisyo Haydarojiin iyo Hiliyaam, oo tartiib u noqda haydarojiin dareerto ah.
Sifooyin gaara | |
---|---|
Wareegdhow | 1,514.50 milyan km (10.1238 AU) |
Wareegfog | 1,352.55 milyan km (9.0412 AU) |
Iskuwareeg Yar | 0.0565 |
Iskucelceliska Xawaaraha Wareega | 9.68 km/m (6.01 ma/m) |
Iskucelceliska Wareega | 317.020 |
Janjeedhka | 2.485° Dhanka qoraxda |
Bedka oogada | 4.27×1010 km2 (1.65×1010 sq mi) |
Mudo wareeg | 378.09 malmood |
Waxaa suurto gal ah in meeruhu lee yahay bu’ is haysata oo dhagax iyo baraf ah.[3] Jurmiweynidu oo qabo awgeed, Cirjeex wuxuu lee yahay cufisjiidad aad u weyn, wuxuuna soo jiidaa dibdheerooyin (kometer) iyo dhadhaabyo (asteroider) oo isaga ku dul dhaca, haddi kalena dhulka ayey kusoo dhici lahaayeen.
Dhinaca kale, meeraha Cirjeex wuxuu lee yahay gobol weynoo ah jiid ama jaziirad guduudan, oo meeraha ku wareegata. Waa dabayl xoog leh oo weli ku meereysato tan iyo intii la og yahay oo aan awood u helnay inaan meerahan ku eegno doorbinnada waaweyn (teleskop).
Cirjeex waxuu leeyahay 67 dayax taasi oo ka dhigtay midka koowaad ee ugu dayaxa badan dhamaan meereyaasha Bahda Qoraxdu Midaysay.[5] Ilaa hadda waxaa weli la helaa dayaxyo cusub. Haseyeeshee afarta dayax ee ugu waaweyn waxay kala yihiin: Io, Europa, Callisto iyo Ganymedes, waxa soo hor helay Galileo sanadkii 1609.
Dayaxaya ugu weyn, Ganymedes, waa mid ka weyn meeraha Dusaa. Afarta dayax ee ugu waaweyn waad arki kartaa haddii aad u kaashato doorbin caadi ah.
u jiro qoraxda: 741,816 millyan km ama 5.2 AU.
Afarta meere ee banaanka u baxsan waa meereyaasha Neefaha Waawayn ee Bahda Qoraxdu Midaysay[6] kuwaas oo ah 99% walxaha ku wareega qoraxda. Cirjeex iyo Raage ayaa waxay yihiin tobanaan kun oo jeer miisaanka iyo muga dhulka, waxayna ka samaysan yihiin isku dhisyo haydarojiin iyo hiliyaam. Dhanka kale, Uraano iyo Docay waxay leeyihiin 20 jeer laab muga dhulka waxayna ka samaysan yihiin macdano dhalaali kara oo ka kooban baraf.[7][8]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.