Cayr (beel)
Juffo ka tirsan Beesha Habargidir / From Wikipedia, the free encyclopedia
Cayr waa beel ka mid ah bahweynta Habargidir ee Hawiye[1]. Cayr waa curadka Madarkicis Hiraab amaba Habargidir sida loo yaqaan. Odayga Cayr magacisi waa Maxamed madarkicis [2], waxaa dhashay hooyo Casho Gidir Karanle.
Besha Cayr waa beesha ugu weyn beesha Habargidir; waxay degtaa beeshu meelo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe iyo gobolo ku yaala badhtamaha wadanka Soomaaliya sida Galgaduud oo xarun u ah beesha, Mudug iyo Hiiraan. Beesha waxey sidoo kale deegaano baaxad weyn ku leeyihiin gobolada waqooyi sida Sool iyo Togdheer ee ka tirsan maamulka Somaliland.
Waxaa intaas u dheer in beesha degantahay gobolka Shabeelaha hoose oo ey saameyn xoogleh ku leeyihiin beeshu. Beesha Cayr waxey sidoo kale degaan caasimada dowlada Somalia ee gobolka Banaadir, Muqdisho waxeyna ku leeyihiin saameyn aad u xoog badan waana beesha ugu muhiimsan gobolka banaadir xaga ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasada iyo wax soo saarka caasimada.
Beesha waxay sidoo kale deegaano caan ah iyo dhul balaaran ku leedahay dalka Ethiopia welibo waxey si mugleh u degta gobolada Qorraxey iyo Shabeele ee ka wada tirsan DDSI. Deeganada caanka ah ey beesha ku leedahay waxaa kamida:
Labobaar- oo ah xarunta beesha dhinaca Itoobiya, Baarmagoog, Ceel Habreed, Ceel dhiinle, Garasle, Baarsiyaable, Buulo Coloow, Balli God, Haamanyaaaq, Ribadleh, Dalanbiya iyo deegaano kaloo badan. Waxey sidoo kale degaan magaalooyin qaar ah oo ey walaalahooda Hawiye la wada degaan sida Mustaxil iyo Qelaafo.