Bir la Mood

Bir la Mood (ingiriis: Metaloid) waa curiye kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo u dhexeeya birta iyo bir ma aheha, taas ooy aad u adag tahay in la kala saaro ineey bir tahay iyo ineey bir ma ahe tahay.

In kastoo barashada Kimisteriga ay ku jirto Bir la moodku, ma jiraan nimaad u gaar ah oo lagu qeexi karo curiyeyaashan.

Lixda curiye ee loo aqoonsadey bir la moodka waa: Booron (B),Silikoon (Si), Jermaaniyaam (Ge), Aarsenik (As), Antimony (Sb), iyo Teluriyaam (Te). Sidoo kale waxaa jira tiro dhowr ah oo ayagana lagu daro liiska Bir la Moodka, waxaana ka mid ah: Kaarboon (C),Alumiiniyaam (Al), Seleniyaam (Se), Boloniyaam (Po) iyo Astantiin (At).

Sida caadiga ah, curiyeha Bir la Moodka ahi wuxuu leeyahay muuqaalka birta oo kale, laakiin waa adke si fudud loo kala jabin karo, halka birta aanan sahal lagu kala jabin karin. Waxaa intaas dheer, curiyaha bir la moodka waa mid kulka iyo korontada si daciif ah u gudbiya ama aanan gudbinin gebi ahaanba.

Si kastaba ha ahaatee, curiyeyaashan waxaa laga samayn karaa isku dhisyo tayo fiican oo jaandi ah, quruurado ama dhalooyin, olol difaace, iyo badh-gudbiye dabka iyo korontada.

More information Magaca, Sawir ...
Curiyaha Bir La Moodka
Magaca Sawir
Silikoon
Booron
Kaarboon
Jermaaniyaam
Aarsenik
Antimony
Teluriyaam
Close


Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.