Arktik
From Wikipedia, the free encyclopedia
Arktik (Af Ingiriis : Arctic; Af Carabi : ar; loogu dhawaaqo: / tɪk/ ) waa deegaanada cidhifka ugu xiga dhinaca waqooyi ee dhulka. Gobolka Arktik waxay ka kooban tahay Bada Arktik, qeeybo ka mid ah gobolka Alaska (ee ka tirsan wadanka Maraykanka), Kanada, Finland, Griinland, Denmark, Iseland, Norway, Ruushka, iyo Iswidhan. Sidoo kale gobolka Arktik wuxuu ka samaysan yahay bado waawayn oo leh cimilo kala duwan; wakhtiyada qaar noqda baraf marar kale oo sanadka ah diirimaad ah, waxaana deegaanku caan ku yahay dhir yaraanta.
- Kani waa maqaal ku saabsan Arktik. Qoraalo kale fiiri Cidhifka Waqooyi
Gobolka Arktik waxaa lagu sharaxaa waqooyiga Cidhifka Waqooyi (66° 33'N), taasi oo hesha iftiin qorax oo aad u kooban iyo habeeno ka dhaadheer deegaanada kale ee caalamka. Sidoo kale deegaanada Arktik waxaa lagu yaqaanaa qaboow daran sanadka oo dhan; wakhtiga ugu diiran (kulu) waa bisha Luuliyo wakhtigaasi oo heerkulku kaba hooseeyo 10 °C (50 °F).[1][2]
Guud ahaan, deegaanda Arktik waa mid ka duwan dhamaan nidaamyada hab nololeed ee ka jirta caalamka intiisa kale. Tusaale ahaan, gobolku wuxuu leeyahay tiro dad ah (indigenous people) oo la qabsaday qaboowga xad dhaafka ah ee gobolka kaasi oo aanay ku noolaan karayn dadka kale. Intaas waxaa dheer in sanadahan dambe isbedelka cimiladu saamayn weyn ku yeeshay gobolka.[3] Nolosha deegaanadan waxaa ka mid ah naasleyda badaha, kaluun, noole laga helo gunta badaha iyo xubno yaryar oo kale.[4]