Abaar
From Wikipedia, the free encyclopedia
Abaar (Af Ingiriis : drought; Af Carabi : arā) waa marka biyo la'aan ay ku dhacdo deegaan, taasi ooy sabab u tahay roob la'aan ka dhacday meeshaasi. Marka biyo la'aan ama roob yari ku dhacdo deegaan waxaa yaraada waxsoo saarka beeraha iyo dhirta taasi oo ku keenta dadka, xoolaha, xayawaanka iyo guud ahaan nolosha mid adag oon sii socon karin. Biyo la'aanta iyo roob yaridu waxay si toos ah u saameeyaan dhirta oo ayaguna saameyn weyn ku yeesha nolosha ku tiirsan ee quudka iyo cuntada u ahaayeen. Sida caadiga ah, abaaruhu waxay qaataan mudo bilo ah ama sanado ah taasi oo burbur laxaad leh ku keenta shabakada isku xidhan ee nolosha deegaankaasi. Khasaaraha abaaruhu waxay keenaan dhimasho laxaad leh oo ku timaada dad iyo duunyo wixii deegaankaas ku dhaqan, waxaana intaasi u dheer dhaqaale burbur iyo gaajo. Marka abaaro ka dhacaan meel waxaa qalala dhamaan noocyada kala duwan ee dhirta biyo la'aan darteed; dabeylaha ka dhaca deegaanadaasi waxay si fudud u kiciyaan dab aafo weyn u geeysta dhul baaxad balaadhan.
- Kani waa maqaal ku saabsan "abaaraha" guud ahaan. Maqaalo kale fiiri biyo la'aan.