Rachel McAdams
From Wikipedia, the free encyclopedia
Rachel Anne McAdams[1] (Nofeembar 17, 1978)[2][1] waa atariisho Kanada ah. Ka dib markii ay ka qalin jabisay barnaamijka shahaadada masraxa ee Jaamacadda York ee 2001, waxay ka shaqeysay telefishanka Kanada iyo soo saarista filimada, sida Perfect Pie (2002), taas oo ay ku heshay magacaabista Abaalmarinta Genie, filimka majaajilada ah My Name Is Tanino (2002), iyo taxanaha majaajilada Slings and Arrows (2003–2005), taaso ay ugu guulaysatay Abaalmarinta Gemini.
Rachel McAdams | |
---|---|
Ku dhashay | Rachel Anne McAdams (1978-11-17) Nofeembar 17, 1978 ( 45jir) London, Ontario |
Heerka Aqoonta | Jaamacadda York |
Shaqada | Atariisho |
Sanadaha Shaqada | 2001–hada |
Sanadkii 2002, waxay sameysay filimkeedii ugu horreeyay ee Hollywood ee majaajillada The Hot Chick. McAdams waxay ku caanbaxday 2004-tii filimka majaajillada Mean Girls iyo jacaylka The Notebook. Sannadkii 2005, waxay ku jishay majaajillada jacaylka Wedding Crashers, Red Eye, The Family Stone. Kadib saxaafadu waxay ku amaantay inay tahay "it girl"-ka Hollywood cusub.