Liin
From Wikipedia, the free encyclopedia
Liin (Af Ingiriis : orange; Af Carabi : ar) waa midho ka mid ah khudaarta taas oo ka baxda dhirta oo siday tahay lagu cuno..[2] Liintu waxay ka mid tahay midhaha bisil ee sideeda lagu cuno, ayadoo laga helo biyo iyo fiitamiino badan.
- Kani waa maqaal ku saabsan Liinta. Bogag kale fiiri Liin Dhanaan, Liin Qarboosh, Liin Baydarin iyo Liin Bambeelmo
- Boga "Liin Macaan" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Liin Macaan | |
---|---|
Xabada liin macaan iyo jeex | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Sapindales |
Bahka: | Khudaar |
Duulka: | Liin |
Noocyada: | C. × sinensis |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Citrus × sinensis (Carl Linnaeus) Osbeck[1] |
Liintu waa midho wareegsan oo leh qolof midab oranji ah iyo mid casuus ah gudaha, waxaanay ka baxaan geedo dhexdhexaad ah oo qodax miidhan ah.
Taariikh ahaan, dadku waxay midhaha liinta aqoon u lahaayeen tan iyo qarniyaal badan. Sida lagu cadeeyay qoraal la helay wakhti dhowayd, dadka Shiinaha waxay isticmaali jireen khudaarta liinta ilaa 314 sano Ciise Hortii[3][4][5][3] Beerashada geedka liintu wuxuu aad u batay sanadkii 1987kii taasi oo la sheegay in uu labo-laabmey beerida iyo soo saarka liintu, taasi oo iyadna ku salaysneed kordhitaanka suuqa liinta caalamka.[6] Orange trees are widely grown in tropical and subtropical climates for their sweet fruit. The fruit of the orange tree can be eaten fresh, or processed for its juice or fragrant peel.[7]
Warbixin ay Hay'ada Cuntada Aduunku soo saartey sanadkii 2012ka Liin Macaantu waxay ahayd 70% dhamaan liinta caalamka la soo saaro.[8] Wadanada caalamku waxay soo saareeyn ilaa 71.4 milyan oo liin ah sanadkii 2013ka, taasi oo wadanka Baraasiil ahaa midka koowaad, wadanka Maraykanka ayaa ku noqdey wadanka labaad ee ugu soo saarka badan liinta aduunka, gaar ahaan gobolka Florida iyo Kalifornia ayaa ugu batay beerida iyo soo saarka.[9] Liinta biyaheedu aad ayay u macaan yihiin, oo waxa ka dhamama sonkor iyo xoogaa dhanaan ah, waxaanay qani ku tahay fiitamiin sii (vitamin c) jidhka dadku u baahan yahay.
Waxaa jira dhowr nooc oo liin ah, kuwaas waxaa ka mid ah: Liin Dhanaanta, Liin Bambeelmo, Liin Beydariin, iyo Liin Qarbooshta.
Khudaarta iyo midhaha maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: tufaaxa, cambeha, basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, babaayga, mooska, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.