Digir Guud
From Wikipedia, the free encyclopedia
Digirta Guud (Af Ingiriis : Common beans; Af Carabi : ar) Saynis ahaan loo yaqaano "Phaseolus vulgaris"[2] waa midho firiley ah oo ka baxa deegaano badan oo caalamka ah. Sida caadiga ah, digirta guud waa ereyga soo kooba noocyada digirta ee leh midabo kala duwan, laakiin guud ahaan isku midka ah.[3][4]
Digirtu waxay ka mid tahay dhirta qaniga ku ah nafaqada borotiinka ee firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah.[5]
- Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan digirta. Maqaalo kale fiiri digir, faasuliyad, digirta madow, digirta cas, digirta cad
Digir Guud | |
---|---|
Geedka digirta caleemo iyo iniinyo | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Fabales |
Bahka: | Fabaceae |
Bahka hoose: | Faboideae |
Qabiilka: | Phaseoleae |
Qabyaalad: | Phaseolinae |
Duulka: | Phaseolus |
Noocyada: | P. vulgaris |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Phaseolus vulgaris Carl Linnaeus | |
Eray la mid ah[1] | |
|
Gabi ahaan dhirta geedaha digirtu waa mid dhasha hal mar sanadkii, taasi oo u baahan cimilo iyo biyo kala gedisan.[4] Digirtu waa midho yaryar oo adag, qalalan, leh midabo kala duwan taasi oo ku salaysan cimilada, deegaanka iyo nafaqada geedka. Sidoo kale waxaa saameyn ku leh kala duwanaanta midhaha digirta waa jiiniska (genes),
Digirtu waxay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinka ka hor, wakhti hada laga joogo 10,000 sano.[6] Sida caadiga ah digirta waxaa maanta laga beerta meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo Antaraktika. Wadanada Baraasiil iyo Hindiya aya ugu badan soo saarida iyo beerida digirta qalalan, halka wadanka Shiinaha ugu badan yahay nooca digirta cagaaran. Sanadkii 2010ka waxaa caalamku guud ahaan soo saaray 23 milyan oo digirta guud ah iyo 17.1 milyan oo digirta cagaaran ah.
Noocyada ugu caansan digirta waxaa ka mid ah: digirta caadiga ah, faasuliyada, digirta madow, digirta cas, digirta cad iyo noocyo kale oo badan. In kastoo meelo badan ay ka baxdo digirtu, hadana labada Ameeriko ayaa lagu sheegaa ineey asal ahaan ka soo jeedo.