From Wikipedia, the free encyclopedia
Moos ama Muus (Af Ingiriis : Banana , Af Carabi : ar) waa mid ka mid ah dhirta miraheeda la cuno, midabka maqaarkeeda na yahay qeenid. moosku wuxu la leeyhay noocyo iyo midabo kala duwan, waxaa ka mida mooska caadiga ah, moos sokorow, iyo moos bukeeni oo la karsado kuna badan dhulka koofurta soomaaliya. Soomaaliya ayaa lambarka koowaad ee dhoofinta mooska haystay waagii dowlada, mooska aay soomalidu ku caanka yihiin waa mid ka mida nooca afka shisheeye lagu yiraahdo (herbaceous plant) waxana isga lagu yiraa afka qalaad (banana cultivar), asal ahaana waxa uu ka yimi wadamada Shiinaha Fiyetnam. Mooska waa kan loogu jecelyahay uguna isticmala badan noocyada herbaceous plant.
Dhaqamada caanka iyo aduunkaba[1], Mooska waxa badana loo yaqaana wax jelicsan oo macaan. marka loo eegaayo, mooska cadiga ah.laakin waxa jira , miro ka mida mooska oo la kariyo oo loo yaqaan Moosbukiini iyo noocyo kale oo badan, laakin ma wada ahaa sidaa mooska aynu naqaano.Mooska waxa uu ka baxaa wadamada ku hareersan dhulbaraha ama wadamada leh cimilada trobikaalka,gaar ahaan jasiiradaha[2]
Moosku waa mid ka mida miraha, waana miro aad u macaan.Goobaha uu mooska ka baxo waa wadamada leh cimilada trobikaalka. Dadka ku nool jasiiradaha ama wadamada ee ku badantahay beeraha waxay xili roobeedka caleenta mooska u isticmaalaan sida Dallad, sababtoo ah caleenta mooska way balaarantahay[3]
Qofka markuu aad u ciyaaro ama juhdi badan bixiyo waxaa jirka ku bato maadada Sodium-ta ama cusbada, tanoo cadaadiska dhiigga kicin karto, mana u roono caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, sidaas awgeed, mooska waxaa ka buuxa maadada loo yaqaano "Potassium-ta", maadadaan waxay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta.
Maadaama ciyaartoyda ay maskaxdooda aad uga shaqaysiiyaan, oo uu ku dhaco waxa loo yaqaano "Daalka maskaxda", mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "Tryptophan" oo maskaxda firfircooni siiso oo qofka markuu ciyaarta ku laabto wuxuu helayaa foojignaan.
Intaas waxaa sii dheer in mooska laga helo tamar iyo awood nafaqo maadaama uu qofka daalan yahay, wuxuu kaloo yareeyaa dareenka oonka.
Intaas oo la isku daray, mooska waa faakihada ugu fiican ee la cuno markaa howl culus qabatid sida ciyaaraha banooniga, tennis-ka iyo wixii la mid ah
Hadaba waxaa ka mida waxtarkiisa
Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midak biseelka billaabi rabo ama xoogaa cayriinka ah.
Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.