Xisbiga Kulmiye Nabad, Midnimo iyo Horumarka (Af Ingiriis : Peace, Unity and Development Party, Af Carabi : ar), loo soo gaabiyo Kulmiye, waa xisbi siyaasadeedka haya talada dalka Somaliland.[2]

Quick Facts Gudoomiyaha, Madaxweynaha Somaliland ...
Xisbiga Kulmiye
Peace, Unity, and Development Party
GudoomiyahaMuse Bihi Abdi
Madaxweynaha SomalilandSiilaanyo
Madaxweyne ku xigeenka SomalilandCabdirahman Saylici
FounderAhmed Mohamed Silanyo
Xarunta sareHargeysa
AragtiXisbi xornimo[1]
Democratic socialism
Social democracy
Heerka siyaasadBadhtame-bidix
Xidhiidh caalamiMa lahan
Xidhiidh la lehAfrica Liberal Network (ilaaliye)
Baarlamaanka Somaliland
28 / 82
Website
www.kulmiye.com
Close
Thumb

Hordhac

Thumb
calanka kulmiye

Kulmiye waa mid kamida xisbiyada siyaasadeedee Somaliland.

Taariikh

Kulmiye waa xisbi siyaasi waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002. Ujeeddadiisuna tahay sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himilooyinkeeda ay ka midka yihiin inay ka mid noqoto dunida xorta ah ee dimoqraadiga ah. Xisbiga KULMIYE bishii Diisambar ee 2002 ayuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah. Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo (aspirations of the people of Somaliland), kuwaas oo salka ku haya taariikhda halgamadii dheeraa ee loo soo maray xornimada dalka, hadday tahay tii isticmaarka la iskaga xoreeyey, iyo hadday tahay halgankii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Maxamed Siyaad Barre, halgankaas oo midhihiisu yihiin xasilloonida iyo degenaashaha aynu maanta hadhsanayno iyo ictiraafka iyo horumarka aynu ku taamayno marka la barbar dhigo qalalaasaha ka taagan wixii Soomaaliya la isku odhan jiray inteeda kale.

Ka sokow dedaalka madaxda iyo xubnaha xisbigu u galeen dhismahiisa, waxa aan la iloobi karin taageerada balaadhan ee dhinacwalba leh ee xisbigu ka helay shacbiweynaha Somaliland taas oo xisbiga KULMIYE muddo gaaban u suurto gelisay inuu gaadho guulo waawayn isuna keeno waxgaradka iyo maskaxda reer Somaliland ee dhamaantood isku aragtida ka ah baahida loo qabo dimoqraadiyad iyo horumar in dalkan la gaadhsiiyo. Xisbiga KULMIYE si u taaba geliyo hanka shacbiga reer Somaliland waxa lagama maarmaan ah inuu helo taageradooda oo aan kala go’ lahayn gaar ahaan wakhtigan xasaasiga ah oo dalku marayo marxalad aad u adag oo aanuu ku sii soconkarin nidaamka ay maanta u xisbiga kulmiye wuxuu ku guulaystey inuu qabto hogaanka dalka sandkii 2010 kii isagoo helay 50% codki la dhiibtay yadoo uu hogaanka qabtay mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo


Liiska Xisbiyada Siyaasada

Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.[3]

Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada[4] ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.[5] Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.[6]

Sidoo kale eeg

Maqaalo kale

Tixraac

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.