From Wikipedia, the free encyclopedia
Gadh sidoo kale loo yaqaano Gar (ingiriis: Beard) waa timo badan oo wejiga dadka kasoo baxa inta u dhexeeysa dhegaha, indhaha hoostooda, sanka iyo afka ilaa laga gaadho meesha u hooseysa wejiga ama dhuunta.
Gadh
Gadhku wuxuu ku soo baxaa marka qofku qaangaadh noqdo, inkastoo dadka qaar ugu soo baxo markeey labaatan sano kor u dhaafaan.
Inkastoo gadhka ragu kala duwan yahay, laakiin inta u badan waa timo ka soo bilaabma dhegaha agtooda ilaa afka hoostiisa ayagoo daboolaya labada dhabanba.
Dadka qaar waxay leeyihiin gadh wayn oo qariya dhamaan labada daan afka dushiisa iyo hoostiisa ilaa dhuunta laga gaadhayo.
Raga qaar waxay leeyihiin shaarbo iyo xoogaa timo ah oo afka hoostiisa ku yaala ayagoon dhabanada wax timo ah ku lahayn.
Sidoo kale, niman badan ma laha wax gadh ah waxaana loo yaqaanaa gadhmalays.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.