Dawlad Federaal ah ama dawlad midow ah Ama dawlad dhexe waa qaab ka mid ah qaabka dawladnimo, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen gobollo ama degmooyin ama dawlado wada nool iyagoon kala go´in, dawladii ugu horeeysay ee caalamka samaysaty habka Federalka waxa ay ahayd Maraykanka markii ay ka xuroobayeen Ingiriiska waxaa isku tagay markii ugu horeysay 13 gobol 1787, 2 sano kadib waxaa la sameeyey dastuur federal ah dawladdaasna waxaa madax ka noqday Giorge washington.
Habka Federaalka
Federaalnimadu waa hab dasturi ah oo Dawladda dhexe oo kor ka matasha waxayna leedahay awoodeeda sharci dajineed , fulinta iyo maxkamadaheeda.
Laakiin gudaha waxa ay noqonayaan gobollo kala madax banaan, sida caadiga ah waxaa dhacaysa awoodaha in ay kala qaybsadaan dawlada dhaxe iyo gobolada hab dasturi ah.
Waxa ayna noqonaysaa sidaan soo socota:
1 In la xadido aoowda maamul goboleedyeda ee looga dambeeyo Dawlada Federaalka ah
2 in Dawlada awoodeeda la yareeyo ee loo daayo goboloda maamulkooda
3 in loo daayo dastuurka waxa uu qabo.
Soomaaliya iyo Federaalka
Horta oraahda ah Federaal lagu dhaqmo waxaa ugu horeeysay ee afkiisa laga maqlo madaxwaynihii hore ee Soomaaliya 2004-2008 Cabdullahi yuusuf axmedee lagusoo doortay shirkii embegati ee ka dhacay kiinya oktober 2004 tii asigoo ka helaya gacan madax ay saaxiibo yihiin haba ugu horeeyee Melle zenawi, kadibna waxa uu ku guuleeystay in Dawladda lagu magacaabo Dawlad federaal ah "TFG" Dowladda federalka isla markaana kumeel gaar ah.
Waxaa asigana ku xigay oo mar labaad kor uqaaday Dawlad kasta ee dhalataa in ay qaadato nidaamka Federaalka ah ninka lagu magacaabo Md C/raxmaan Faroole ee ah Madaxa maamulka Puntland.
Maamulada dhisan ilaa iyo hadda
1 Somaliland 1991
2 Puntland 1998
3 Galmudug 2008
4 Ximin iyo Xeeb 2010
5 Ceelbuur state 2011
6 Mareeg State 2010
7 Hiiraan state 2011
8 Banadir State 2012
9 Koofur galbeed 2010
Aduunka inta federal ah
TFG da iyo maamulada hoos yimaada
Qodobada dastuurka faderalka
(1) Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah, taasoo dadku, si dimoqraaddi ah, ay awood ugu leeyihiin in ay ugu dhaqmaan madaxbannaanidooda heerarka kala duwan ee hay’adaha xukuumadda, iyadoo loo marayo hay’ado iyo habab u qalma dhaqankooda iyo baahidooda. Waxaa jira saddex heer oo dawladeed.
(a) Heerka degaanka oo hay’adaha iyo qaybaha bulshadu ay noqonayaan asaaska xukuumadda, kana qaybgalyaan sameynta golayaasha Dawladdaha hoose ee ay tahay in la dhsio.
(2) Waxaa dastuurkan lagu qeexayaa hay’adaha iyo nidaamyada xukuumadda ee heerka federaalka iyo hay’adaha qaranka.
Qodobka 56-Mabaadi’da Federaalka Jamhuuriyadda
(1) Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kale, waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida federalinimada; kuwaas oo ah:
Qodobka 57aad-Xiriirrada u Dhexeeya Heerarka Dawladda
(1) Dowlad-goboleed kastaa waa inay ku dedaashaa xiriiri skaashi ku dhisan inay layeelato xukuumadaha ay isku heerka yihiin iyo kuwa heerarka kale. Xukuumad waliba waa inay ilaalisaa xuduudda awoodaheeda iyo awoodaha kuwa kale. Waa inay dhiirri-gelisaa xiriir saaxiibtinnimo oo ay yeeshaan xukuumadaha ka jira meelaha kale ee dalka iyo dadweynahooda. Xukuumad waliba waa inay hubisaa xukuumadaha kale inay ku war- gelisey Siyaasaddaha amaba hawlaha gudaha xuduuddeeda ka socda; kuwaas oo laga yaabo inay meelo kale saamayn ku yeelan karaan. Meeshii ay suuraggal tahayna waa in xukuumaduhu si wadajir ah ay mashaariic wadaag ah uga dhaqan-geliyaan.
(2) Si loo helo xiriir iskaashi, waa in sharcigu jideeyo kulan-sannadeed ay isugu yimaadaan madaxda fulinta ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda federalku, si ay uga xaajoodaan, isuguna dubbo-ridaan qorshaha dawlad-goboleedyada iyo arrimaha la xiriira taageerada dowlad goboleedyada.
(3) Waa waajib in la qabto kulannada masuuliinta heer dawlad-goboleed, marka laga hadlayo arrimo saamaynaya wax ka badan hal dawlad-goboleed sida biyaha, beeraha iyo waxbarashada.
(1) Iyadoo dareen iskaashi lagu shaqeynayo, waa in dawladda federalka ahi ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga ama arrimaha kale ee muhiimka ah ee heshiisyada dawliga ah ku saabsan.
(2) Halka ay wada xaajoodyadu ay si gaar ah u saamaynayaan danaha gaarka ah ee dowlad- goboleedyada, dawladda federalku haddii ay suurtagal tahay waa in ay ku dartaa ergada wada-xaajoodka gelaysa wakiilo ka socda dawlad-goboleedkaas.
(3) Marka la gelayo wada-xaajoodyada, dawladda federaalka ahi waa inay tixgelisaa inay tahay wakiil lagu aamminey danaha dawlad-goboleedyada.
Qodobka 59aad-Dawladda Hoose iyo Maamulka
(1) Dowladda federaalku waxay soo saaraysaa sharciyo lagu dhisayo qaabka iyo mabaadi’da hageysa dawladaha hoose.
(2) Dawlad-goboleed kastaa waa in ay abuurto nidaam dawlad hoose oo waafaqsan habraaca sharci-dejinta federaalka.
(3) Xukumadaha Dawlad-goboleedyadu waa in ay siiyaan dawladaha hoose awood ay ku mamulaan sharciga iyo barnamijyadooda, si waafaqsan mabda’a ( b) ee mabaadi’da federaalka ah ee ku xusan qodobka 56(1). Hawlaha waxaa loogu wareejinayaa goleyaasha Dawladdaha hoose si tartiib- tartiib ah oo la socota hadba koritaanka kartidooda. Sharci federaali ah ayaa tilmaami doona qaabdhismeedka ay u raaci doonaan dawlad-goboleedyadu awood-wareejin kasta oo ay dawladaha hoose ku wareejinayso xilalka.
(4) Xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu waxay masuuliyadda maamulka sharciga iyo barnaamijyada ku wareejin karaan hay’adaha iyo bulshooyinka degaanka.
(5) Hey’adaha iyo bulshada degaanka waa in la dhiiri-geliyaa, la taageeraa, lagana kaalmeeyaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka uu Dastuurku dusha ka saaray eek u saabsan dimoqraaddiyada iyo xuquuqda aadanaha.
Qodobka 60aad-Qaybinta Awoodaha
(1) Dowladda federaalku waxa ay awood u leedahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya oo dhan u samayso sharciyo maamul-wanaagga ku saabsan, iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulidda sharciyadaas.
(2) Dawlad-goboleed kastaa waxay awood u leedahay in ay samayso sharciyo maamul- wanaag ah oo iyada ku eg, iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulida sharciyadaas.
(3) Awoodaha waxaa lagu qaybiyey Jadwalka 2aad oo ka kooban tax lagu muujinayo awoodaha la siiyey Dowladda federaalka, xukuumadaha dawlad-goboleedka ama si wadajir ah loo siiyey federaalka iyo dawlad-goboleedda.
(4) Taxa Awoodaha u gaarka ah Dawladda federaalka waxaa fulin karaya oo keliya dawladda federaalka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
(5) Taxa Awoodaha u gaarka aha Dawlad-goboleedka waxaa fulin karaya oo keliya dawlad- goboleedka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
(6) Taxa awoodaha wadaagga ah ee federaliga waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federalka iyo dawlad-goboleedyada. Haddii ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah waxaa awood leh sharciga federaalka.
(7) Taxa awoodaha wadaagga ee Dawlad-goboleedyada waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadaba. Haddi ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah, waxaa mudnaanta leh sharciga dawlad-goboleedyada.
(8) Dawladda federaalku waxa ay sharci ka samayn kartaa arrin kasta oo aan lagu xusin taxda jadwalka 2aad.
Qodobka 61aad-Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada
(1) Si loo xoojiyo wada-shaqaynta,dawlad-goboleeddii doonaysa inay ka soo saarto sharci arrin kasta oo soo gelaysa Taxa awoodaha la wadaago ee federaalka ama Taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedda waa in ay la tashataa dawladda federalka ah.
(2) Waa in la soo saaro sharci federaali ah si loo dejiyo habraac dawlad-goboleedyada siinaya masuuliyad ay ku samaysan karaan sharci kasta oo ku saabsan arrimaha hoos-imaanaya taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedyada. Habraaca noocaas ahi waa in uu ku lug-lahaado qiimaynta awoodda dawlad-goboleedyadu ku qaadi karaan masuuliyadda soo-saaridda iyo maamulida sharci ku saabsan arrintaas.
Qodobka 62aad-Igmashada Awoodaha
(1) Xukuumad kastaa waxay u xilsaaran kartaa awood mamul iyo masuuliyado dawlad ama dawlado kale oo heer kale ah, iyadoo raacaysa habraac ay wadatashi kula yeelanayso dawladdaas.
(2) Dawladda federaalku waxay u xilsaaran kartaa mid ama ka badan xukuumadaha dawlad- goleedyada awood ay sharci ugu sameeyaan arrin ka mid ah awoodda xeerdejinta Dawlada federaalka oo looga gol leeyahay dan guud ama mid gaar ah.
(3) Haddii Dawladda federaalku u xilsaarato awood sharci mid ama dhammaan dawlad- goboleedyada, waa in ay xaqiijisaa in dawlad-goboleeddaas hesho ama loo ogolaado in ay urursato dhaqaalaha lagama-maarmaanka u ah fulinta hawsha dawladda federaalku u igmatay.
(4) Dowladda federaalku haddii loo baahdo way kala noqon kartaa awoodaha ay cid kale ugu xilsaaaratay qodobkan, iyadoo ogeysiineysa waqtiga ugu habboon dawlad- goboleedda ama dawlad-goboleedyada ay khusayso.
(5) Mid ama ka badan dawlad-goboleedyadu waxay ka codsan karaan dawladda federaalka in ay qaaddo masuuliyadda ah in ay ka soo saarto sharci arrin gaar ah oo ka mid ah awoodaha xukuumadaha dawlad-goboleedyada.
Qodobka 63aad-Arimha Maaliyadeed
(1) Awoodaha dakhli-uruurinta ee heerarka kala duwan ee xukuumaddu waxay ku xusan yihiin Jadwalka 2aad.
(2) Xukuumadda federaalku waxay awood u leedahay in ay ku bixiso kharash ujeeddo kasta oo sharciga waafaqasan, ha ahaato mid ay siisay awooddeeda sharci-dejineed ama yaysan ahaane.
(3) Mabaadi’da iyo habka loogu qaybinaayo hantida maaliyadeed heerarka kala duwan ee xukuumadaha waxaa lgu qeexayaa Cutubka 14aad.
(2) Ka sokow faqrada (1) khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameed waa lagu sii dhaqmi karaa haddii aysan ka hor’imaaneynin Shareecada ama Dastuurka dalka.
(2) Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa mabaadi’da, xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee khuseeya shaqada dawladda ee heer kasta.
(3) Dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay iska kaashanayaan ka-wada- faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.
Qodobka 66aad-Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka
(1) Haddii xukuumad dowlad-goboleed ay gudan kari waydo xilkeeda ama ay ku kacdo maamul xumo maaliyadeed, masuuliyada koowaad ee xukuumada federaalku waa in ku taageerto xukuumada dowlad-goboleedda sidii ay wax uga qaban laheyd xad-gudubyadaas, ayna qaado talaabo kasta oo lagama maar maan ah oo dowlad-goboleedda u suurto galinaya in ay xilkeeda u gudato si wax ku ool ah.
(2) Haddii dawlad-goboleed gudan weydo waajibaadkeeda dastuuriga ah ama sharci kale oo federaal ahi u xilsaaray, xukuumadda federaalku waa in ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku meel marineyso fulinta waajibaadkaa. Talaabooyinkaas waxaa ka mid ah in xukuumada federaalku farto dowlad-goboleedda dhaqan-galinta arimaha ay gabtay, dawlad-goboleedduna waa in ay amarkaas u huggaansataa. Hasa yeeshee, awaamirta noocaas lama bixin karo haddii aysan ogolaan kala bar xubnaha Aqalka Wakiillada Dawlad- Goboleedyadu marka laga reebo wakiillada dawlada-goboleedda waajibaadkeeda dastuuriga ah gabtay.
Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka
Fiiro: Maqaamka Muqdisho (Xamar), oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa sedaxda hab ee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka
(2) Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay Dowladda Fedelaaka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka.
(3) Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.
(2) Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad-goboleed.
(3) Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka.
(4) Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka, waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dawladda Federaalka awgeed.
(6) Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka, hase yeeshee waxay awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad qodobka 62aad ee Cutubkan.
(7) Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan dastuurkan.
(2) Magaala-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale ma noqon karto qayb Dawladda-goboleed kale ku dhul ballaarsato.
(3) Golaha maamul eemagaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan dastuurkan. Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda.
Qodobka 68aad-Xalinta Khilaafaadka
(1) Mabada’ ahaan khilaafyada u dhexeeya dawladaha waa in lagu xalliyaa hab wadaxaajood iyo dhexdhexaadin ku dhisan iskaashi iyo niyadsami.
(2) Dawlada federaalka iyo xukuumadaha dowlad-goboleedyadu way ku heshiin karaan in ay dhistaan maxkamad gaar ah oo lagu xaliyo khilaafaadka dhaxsada Dawladdaha.
(3) Khilaafka u dhexeeya Dawladdaha ee lagu xallinwaayo dhexdhexaadin iyo wadaxaajood waa in loo gudbiyaa Makamada Dastuuriga oo go’aan ka gaaraysa.
Qodobka 69aad-Xuduudaha Gobollada
(1) Guddiga Xadeynta Xuduudaha Gobollada ayaa xallin doona dhammaan murannada hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka ee la xariira xuduudaha iyagoo raacaya sharciga laga dejin doono arrimahaas
(2) Guddiga Madaxa Bannaan Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ama ciddii bedesha ayaa iyaga oo la tashanaya guddiyada kale ee qaran ka caawin doona Dawladda Federaalka go’aaminta tirada ugu yar iyo tan ugu badan ee dawlad-goboleedyada la sameynayo.
(3) Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa
(4) Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed iyaga xor u ah go’aankooda
Qodobka 70aad-Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub
1) Ugu yaraan laba gobol ama ka badan oo si xor ah isugu tagay ayaa sameysan kara dawlad- goboleed;
2) Dawlad-goboleed cusub ayay sameysan karaan dawlad-goboleedyo jiray haddii tiro macquul ah oo ah hal iyo wax ka badan oo ka mid ah dawlad-goboleedyadaas ay doonayaan in ay sameystaan dawlad-goboleed ayna sameynta dawlad-goboleedkaas tahay sida kaliya ee ay ku gaari karaan danaha guud ee ay wadaagaan
3) Dawlad-goboleed cusub waxaa la samayn karaa haddii arrintaas ay taageersanyihiin aqlabiyada dadka:
(c) Haddii aysan samenta dawlad-goboleedkaas aysan ka hor imaanayn danta qaranka;
(d) Isla markaana aysan khatar gelinayn midnimada qaran ee federaalka
4) Sameynta dawlad-goboleed cusub lama ogolaan karo haddii aysan awood u yeelan doonin in ay fuliso waajibaadka iyo hawlaha laga rabo dawlad-goboleed ka tirsan federaalka sida dhawridda xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta ku nool dawlad goboleedka, aysana lahayn isku- filnaansho dhaqaale ay ku fidiyaan adeegyada asaasiga ah. Baarlamaanka ayaa meelmarinaya sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub.
5) Haddii laba iyo wax ka badan dawlad-goboleedyada deriska ahi ay ku heshiiyaan in ay bedelaan xuduudaha ay wadaagaan, Golaha Shacabku waa in uu ansixiyaa haddii saddex dalool laba dalool ka mid ah goloyaasha degmooyinku ogolaadaan xuduud bedelidda