|Maabka wadanada xubinta ka ah Qaramada Midoobay iyo wadanada QM u aqoonsan tahay wadan (midabka buluuga[1]]]

Thumb
Calamaanta wadanaxa xubinta ka ah QM.
Thumb

Waxaa jira 193 Wadan oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobay kuwaasi oo mid kasta xubin ka yahay Golaha Sare Qaramada Midoobay.[2]

Ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa si fiican u sharaxaya Qodobka 4aad ee Dastuurka Qaramada Midoobay:[3]

  1. Ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waa mid u furan dhamaan dowladaha jecel nabada marka laga reebo kuwa uu dasturku ka reebay, ayadoo la tixraacayo xukunka ururka.
  2. Codsiga ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa go'aan ka gaadhi kara Golaha Sare oo la tashanaya Golaha Amniga.

Warbixin taageero leh oo ka timaada Golaha Amnigu waxay u baahan tahay in xubnaha golahaasi codeeyaan taasi oo ugu yaraan sagaal xubnood ogolaansho bixiyaan; kuwaasi oo aanay ku jirin Shanta Xubin ee joogtada ah. Ka dib, ogolaanshaha Golaha Amniga waa ineey ansixiyaan Golaha Sare, kuwaasi oo ugu yaraan labo meelood sadex meelood (2/3) codeeyaan ogolaansho.[4]

Sida saxda ah waxaa Qaramada Midoobay xubin ka noqon kara wadanada xorta ah oo kaliya, maantana dhamaan xubnuhu waa kuwo madax banaan.[5]

Xubnihii Lagu Bilaabay

Thumb
Maabka wadanada hada xubinta ka ah QM iyo taariikhd ku soo biireen.[6]
  1945 (xubnihii ugu horeeyay)
  1946–1959
  1960–1989
  1990–wakhti xaadirkan (hada)
  wadanada aan xubinta ahayn

Taariikh ahaan Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 24 Oktobat 1945 ka dib markii shanta Wadax ee Xubinta joogtada ah isku afgarteen Dastuurka Qaramada Midoobay. Wadanadaasi aasaaska ka qeyb qaatay waxay kala yihiin Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Maraykanka.[7]

Qoraalo La Xidhiidha

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.