From Wikipedia, the free encyclopedia
Wabka ama tibka ama Xidid (ingiriis: Root) waa faro dhaadheer oo ka baxa jirida geedaha hoosteeda, kuwaas oo ku haya geedka dhulka dushiisa. Xididada intooda u badan waxay ku jiraan dhulka hoostiisa, waxaanay soo ururiyaan biyaha, macdanta iyo nafaqada ku dhex jirta carada dhexdeeda.
Xididadu waxay keeydiyaan cuntada, nafaqada iyo waxyaabaha kale ee geedku u baahan yahay, isla markaana waa difaaca tafiiranka dhirta. Xididka ugu horeeya ee geedku sameeysto markuu dhasho, waxaa loo yaqaanaa Xidid dhexaad kaas oo si toosan u gala dhulka, isla markaana saldhig u ah dhamaan qeybaha xididada.
Guud ahaan, xididadu waxay leeyihiin timo yar yar oo ka dul baxa kuwaas oo afka hore ka furan soona nuuga biyaha, macdanta iyo nafaqada. Sidoo kale, xididadu waxay u baahan yihiin Ogsajiin ay neefsadaa.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.