From Wikipedia, the free encyclopedia
Tamar (ingiriis: Energy) waa astaamaha kartida walaxu leedahay. Guud ahaan tamartu waxaa loo qaybiyaa Tamar falgaleedka, Tamar Cufisjiidadka, Tamar socod, Tamar loodsan, Tamarta danabka iyo Tamarta Niyukliyeerka (bu'eed), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo Tamar ah, sida: Tamarta kaydsan.
Saynisyahandu waxa ay rumeysan yihiin in cuntada iyo shidaashaba ay ku jiraan waxa la yiraahdo Tamar oo ay tahay tamartaasi tan dadka iyo makiinadahaba u suurtogelisa in ay howl qabtaan, wax yaabaha ugu weyn ay tamartu leedahay waxaa ka mid ah iyada oo isku gediyi karta wejiyo badan.
Cuntada aynu cunnaa iskudhisyo ayaa ay siisaa muruqyadeenna, marka aynu culays qaadayno ama aan wax riixayno muruqyadeenna ayaa adeegsada iskudhiyadaa, oo ka hela tamarta ay hawsh ku qabtaan. Sida dhabta ah cuntada waa shidaalka dhabta ah ee dadka sida uu u yahay batroolka shidaasha baabuurka, ama naftadu u tahay shidaasha makiinadaha waaweyn. Tamarta laga helo iskudhisyada cuntada iyo shidaasha ayaa la yiraahdaa tamar falgaleed waana nooc ka mid ah tamarta kaydsan.
Xabbad leben ah xadhig ku xidh dabadeedna kor u qaad oo miiska korkiisa la sin. Xadhigga kor mari khafiyad dabadeedna culays 1kg kaga xidh caarada kale. Haddii aad sii daysid lebenka hoos u dhacay ayaa qabanaya hawl oo kor u qaadaya culayska halka kiiloogaraamka ah. Markaa waa in uu lebenku yeeshaa tamar marka uu miiska la siman yahay.Tamarta walax kor loo qaaday leedahay waxaa la yiraahdaa Tamar cufisjiidad. Ogow markii aad kor u qaadday xabadda lebenka ah muruqyadaadu waxay adeegsadeen tamar falgaleed, taasoo ah tamarta weji leh ayaa loo geddiyi karaa mid kale.
Lebenkii aad kor u qaadday ee aad la sintay miiska jooggisa haddii aad sii daysid oo uu ku dhaco qori yaalla dhulka waa uu kala jebinayaa. Lebenku, markii uu la sinna miiska korkiisa, wxa uu lahaa tamar cufisjiidad. Hase yeeshee waa ay ka dhammaatay cufisjiidadkii markii uu soo dhacay ee anu gaarin qoriga dhulka yaalla, lebenku markii uu joogsaday qorigana uu kala jabiyey waxa uu qabtay hawl, sidaa darteen waa in uu yeeshaa lebenku tamar intii aanu ku dhicin uun qoriga. Waxa aynu u qaadanaa tamar ka timid socodka u kordhay markii uu soo dhacay. Tamarta walax soconaysa waxaa la yiraahdaa tamar socod. Tamar falgaleedkii muruqyadeenna ayaa u gedismay tamar cufisjiidad markii aynu sii daynay lebenkana tamar cufisjiidadkii uu lahaa yaa u gedisantay tamar socod.
Kala jiid gariirad inta aad ku xidhid culays yar dabadeedna sii daa. Gariiraddu wa ay soo gaabanaysaa culayskana koy ayaa ay u soo qaadaysaa. Gariiraddii kal jiidnayd waxay qabatay hawl waxaana la yidhaahdaa waxa ay leedahay tamar loodsan.
Qalabka adeegsada danabka, ee ay ka midyihiin daqaajiyeyashu, waxaad ogtahay in ay hawl qabtaan, wax inta meel ka kaxeeyaan ay meel kale geeyaan, Tamarta danabka laga helo waxaa la yiraahdaa tamarta danabka, warshadaha danabka tamar falgalkeeda ku jirta naftada ayaa ay u gediyaan tamar danab.
Atomyada waxaa ku kaydsan tamar, mana suurto gasho in wax laga soo saaro oo hawl wax tar leh lagu qabto. Yureeniyam, oo ah curiyaha ugu culus oo dhulka korkiisa laga helaa, waxa ay bixisaa tamar bu'eed marka ay atomyadeedu jajabaan. Tamarta ka soo baxda hal kiiloogaraam oo yureeniyam ahi waxay ay la egtahay tamarta laga helo 8,000,000 kg oo saliid ah. Waxyeello aad u weyn aya ay ku keenaysaa dadka tamar atomeedu haddii si xul (oo dagaal uu ka midyahay) loo adeegsado. Bam atomeedii u horeeysay 1945 lagu tijaabiyey banka ku yala niyuu megsiko ee maraykanka, kulkii kasoo baxay waxa ay noqotay ciidii quraarad dhalaashay. Waxaa jira wejiyo kale oo ay tamartu leedahay, oo ay ka mid yihiin tan kulka, ilayska, jabaqda iyo bilabta oo qaban kara shaqo loona gediyi karo weji kale haddii qalab ku haboon la adeegsado. Tamartu waxay leedahay wejiyo fara badan si ay arrimuhu inoogu jilicsanadaan, waxaynu u qaybin sidaan soo socota:
(b) Kooxda Tamarta Kaydsan (t) Kooxda tamarta Socodka (J) Kooxda tamar Kaydka + Tamar Socodka
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.